Soomaaliya: 214,000 oo ku barakacay fatahaadaha

Magaalada Baydhabo, Maamulka Koonfur Galbeed, hay'adda Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in 66,000 oo qof oo ay ku jiraan Barakacayaal ay saameyn ku yeelatay fataahadda ka dhalatay roobka.

Warar Keydmedia Online
Soomaaliya: 214,000 oo ku barakacay fatahaadaha

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 214,000 qof ayaa si ka barokacay guryahooda guud ahaan Soomaaliya tan iyo bishii Oktoobar sababo la xiriira fatahaado ka dhashay roobab mahiigaan ah, sida ay sheegtay hay'adda Qaramada Midoobay Isniintii.

Xafiiska QM ee Isu-duwidda Hawlaha Bani'aadamnimada (OCHA) ayaa ku sheegay Warbixintiisii ​​ugu dambeysay ee Fatahaadaha in dadka ugu badan ay ku barakaceen gobollada Koonfur Galbeed, Jubaland, Hirshabeelle iyo Galmudug iyo sidoo kale gobolka Banaadir.

Bishii Oktoobar 28, OCHA waxay sheegtay in ilaa 35 qof ay dhinteen halka ku dhowaad 1.6 milyan oo kalena ay saameeyeen daadadka intii u dhaxeysay Janaayo iyo September.

Sidoo kale, Hay'adda gargaarka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kumanaan hektar oo dhul beereed ah ay biyaha ku fataheen, gaar ahaan hareeraha wabiyada, taasoo kordhinaysa halista cudurada ka dhasha biyaha.

Mas'uuliyiinta Soomaalida iyo hay'adaha gargaarka waxay codsanayaan gargaar deg-deg ah, gaar ahaan biyo nadiif ah oo la cabbo, hoy degdeg ah iyo cunto.

Xilli-roobaadka Deyrta ee 2020 wuxuu ku billowday roobab dhexdhexaad ah oo markii dambe isku bedelay kuwa culus oo laga soo sheegay Puntland iyo gobollada dhexe ee Hiiraan, Bakool, Galgaduud, Mudug, Nugaal iyo koonfurta gobolka Sool.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.