Soomaaliya oo Baarlamaan la’aan noqotay

Waxay qeyb ka tahay inuu dalka Baarlamaanka la'aan noqdo qorshaha Farmaajo ee awood aruursig, ee ku doonayo isaga kaliya inuu taliyo.

Warar Keydmedia Online
Soomaaliya oo Baarlamaan la’aan noqotay

MUQDISHO, Soomaaliya - Dalka Soomaaliya ayaa galay firaaq ama marnaasho dhanka hay'adda sharci-dejinta kadib markii uu dhamaadey mudo-xileedka Baarlamaanka 10-aad oo ku ekayd shalay, 27-ka December.

Baarlamaanka oo markii horeba ahaa mid fashilmay, oo howlgab laga dhigay ayaa sameystay cusboonaysiin kaararka Xildhibaanada, iyagoo doonaya inay sii shaqeyaan xilli aysan haysan awood sharci ama mid dastuuri ah, oo wax ku meel-marin karaan.

Afartii sano ee uu shaqeynayay, tayo ahaan wuxuu noqday midkii ugu liitay, iyadoo ku milmay Xukuumadda, oo 75% Xildhibaanadda Wasiiro, ku-xigeenno iyo Wasiiru dowliyaal laga dhigay, si aysan u dhicin isla-xisaabtan.

Wuxuu sidoo kale ahaa Baarlamaanka mid kala qeybsan, oo aan wax wadashaqeyn ah ka dhaxayn labadiisa aqalka, kadib markii uu Farmaajo billaabey inuu Gollaha Shacabka u isticmaallo meel uu ku meel-marsado danihiisa gaarka, isagoo howlgab ka dhigay Aqalka Sare.

Ma muuqato rajo in Baarlamaanka 11aad dhawaan la doorto, waxay qaadan kartaa billlooyin ama sanado in xal laga gaaro khilaafka la xiriira doorashadda, oo Farmaajo ka tanaasuli la'yahay gudiyadda doorashadda ee uu sida musuq-maasuqa kusoo dhigay.

Baarlamaanka 10aad ayaa ku fashilmay dhameystirka dastuurka KMG ah, oo la doonayay in afti dadweyne lagu ansixiyo 2020, iyo qabashadda doorasho qof iyo cod ah, taasoo fashilkeeda uu sabab u yahay Farmaajo oo aan ka shaqeynin, isagoo waqtiga dowladda ku lumiyay khilaaf abuurid iyo duminta Maamulladii waqtiga badan la geliyay dhismahooda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.