Soomaaliya oo midnimo u muujisay China oo Mareykanka is-hayaan

Booqashadii Nancy Pelosi ee Taiwan ayaa dhalisay xiisad xoog leh, iyadoo Shiinaha uu billaabey dhoola-tusyo Ciidan oo ka sameynayo xeebaha dalkiisa.

Warar Keydmedia Online
Soomaaliya oo midnimo u muujisay China oo Mareykanka is-hayaan

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda ayaa taageero u muujisay Shiinaha, oo hadda xiisad xoog leh kala dhaxaysa dalka Mareykanka oo dagaalkooda uu saameyn ku yeelanayo Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ku baaqeyso in la dhowro madax-bannaanida Shiinaha, mida siyaasadeed iyo tan dhuleed, sidoo kalena loo hoggaansamo qaraarrada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay cadeysay in ay si buuxda u garab taagan tahay Shiinaha si uu u difaacdo madax banaanidiisa iyo wadajirkiisa xili Mareykanka u muuqdo inuu kala qeybinayo, kadib markii uu taageeray Taiwan.

Villa Somalia ayaa intaasi ku dartay inay aqoonsan tahay siyaasadda halka dalka ee Shiinaha, islamarkaana u aragto jaziiradda Taiwan ay tahay qeyb ka mid ah dhulalka Shiinaha.

Soomaaliya ayaa xiriir soo jireen ah la leh Shiinaha, iyadoo iskaashiga labada dal hadda sii xoogeysanayo. Dad badan ayaa sheegay in go'aankan Villa Somalia inuu yahay mid lagu deg degay.

Booqashadii Nancy Pelosi ee Taiwan ayaa dhalisay xiisad xoog leh, iyadoo Shiinaha uu billaabey dhoola-tusyo Ciidan oo ka sameynayo xeebaha dalkiisa. Soomaaliya ayaa dhexda uga dhacday dagaal dibadda ka socda, oo u dhaxeeya quwadaha ugu weyn dhaqaalaha adduunka.

Mareykanka ayaa ah dalka ugu ballaaran oo taageerada amniga siiya Soomaaliya, iyadoo uu tababaro Danab, sidoo kalena ka caawiya la dagaalanka Al-Shabaab, oo duqeymo ku beegsadaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.