SSC iyo Somaliland oo wada hadlaya

HARGEYSA(KEYDMEDIA) Waxaa soconaya dadaal lagu doonayo in ay isku soo hor fariistaan oo ay ka wada hadlaan shaqaaqooyinka u dhaxeeya labada dhan.
Warar Keydmedia Online

Kulanka labada dhan ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco degmada Wilwil oo hoos tagata magaalada laascaanood ee gobalka Sool,waxaana halkaasi iminka gaaray mas’uuliyiin ka kala tirsan labada dhan.

Dhanka SSC ayaa waxaa halkaasi gaaray oo kulanka ka qeyb galaya Mas’uuliyiin uu hogaaminayo C.risaaq Gacameey oo ka tirsan gudiyada dhinaca abaabulka u qaabilsan jabhada.

Dagaalka dhex maray SSC iyo Somali-land ee ka dhacay agagaaraha KALSHAALE ayaa saameen ku yeeshay shacabka deegaankaasi, waxana kulankan ujeedadiisu ay tahay in xal waara laga gaaro arimaha is heysadka.

WWW.KEYDMEDIA.NET

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.