Suldaan Faarax Fagaaso oo geeriyooday

Tacsi (keydmedia) - Waxaa bisha Jannaayo 8-dedi 2011, ku geeriyooday magaalada Addis-ababa ee Dalka Itoobiya Alle ha u naxariistee Suldaan Faarax Xasan Cilmi Fagaas oo ku magac dheeraa Faarax Madoow.
Warar Keydmedia Online

Suldaanka waxa uu ku dhashay Magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka Mudug Sanadka markuu ahaa 1921, waxaana suldaanimada loo doortay 1952 isaga oo 31 sano jir ah, waxaana xilkaasi uu hayay mudo 59 sano ah.

Waxa uu ka mid ahaa marxuumka dhalinyaradii Soomaaliyeed ee ka dhiidhisay heeryada gumeysiga isla markaana halganka u gashay xornimo gaarsiinta umadda Soomaaliyeed, 1952-dii markii Suldaanka laga dhigay kama harin howshii xornima doonka waxaana uu waqti badan ku bixiyay rabbi naxariistii janno ha geeyee sidii heeryada gumeysi leysaga tuuri lahaa.

Mudadii uu ahaa Suldaanka waxa uu kaalin muuqata ka soo ciyaaray Nabadeynta beela Soomaaliyeed oo dagaalamay, isagoona  caan ku ahaa akhlaaq wanaag iyo geesinimo baaxad leh, waxaana suldaanka uu ka mid ahaa salaadiinta Soomaaliyeed ee fara ku tiriska ah kana biya diiday in ay ku raali noqda daba dhilif u noqoshada gumeysiga.

Suldaanka waxa uu ifka uga tagay 12 Caruur ah oo kala ah 6 wiil iyo 6 Gabdhoo, waxaana caruurtaasi ay sii dhaleen caruur kale oo badan.

Umadda Soomaaliyeed guud ahaan  meel walba oo ay joogto waxaa ay tacsi u dirayaan qoyskii, eheladii, qaraabadii iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Suldaanka, sidoo kale maamulka iyo shaqaalaha keydmedia ayaa tacsi taa la mid ah u diraya umadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka geeriyooday Suldaan Faarax.

Sidoo kale Tacsi taas la mid ah waxaa diraya dadkan oo isugu jira, ehel, asaxaab iyo qaraabo uu dunida ku lahaa Suldaanka.

Amb.  Cabdullaahi Axmed Caddow
Gen. Cabdiraxmaan Warsame Cilmi
Col.  Cabdullaahi Warsame Xasan Takar
Col. Cabdulqaadir Maxamed Warsame Galbayte
Suldaan Xuseen Ducaale Kaahiye
Dr. Maxamed Cali Aaden
Abukaate Xasan Nuur Guuleed
Mudane Maxamed Cabdulle Guure
Dr. Cabdullaahi Xasan Cilmi
Mudane Saalax Awreeye
Mudane Siciid Xasan Cabdulle
Mudane Cismaan Maxamed Ducaale Kaahiye
Mudane Maxamud Xirsi Cilmi – Digool
Prof.  Cabdulqaadir Xasan Cilmi
Mudane Cawil Cali Kaarshe
Eng.  Xuseen Yusuf Xasan
Mudane Xasan Kaarshe Xirsi
Sheikh Cabdulaahi Shire Cagey
Mudane Cabdulqaadir Cumar Jaamac - Majiinge
Mudane Shire Cabdiraxmaan Guuleed
Mudane Yusuf Cabdullaahi Dheere
Mudane Yusuf Cabdullaahi Yusuf
Mudane Naasir Yusuf Jeer
Marwo Dahabo Xasan Maxamud
Drs. Safiyo Cismaan Kulmiye
Marwo Dhuux Dhoore
Marwo Siraad Cali Kaarshe
Marwo Xaawo Cali Dhoore
Mudane Xuseen Warsame Cali Godane
Mudane Cabdi Yusuf Xasan Warsame – Cabdi Madoobe
Mudane Maxamud Cismaan Kulmiye
Mudane Maxamed Cabdi Kulmiye
Mudane Axmed Cilmi Kulmiye - Ximbil
Mudane Cabdikariim Cameey
Nabadon Maxamed Urrur
Marwo Shukri Maxamed Cabdulle
Dr. Xassan Maxamed (Xassan Koronel)
Cali Saciid Xassan
Dr. Xussein Warsame Cali
Xassan Warsame Cali
Xassan Saciid Xassan
Duliyesare. Cabdi Cali Gurxan
Avv. Cabdirixman Xaaji Ereg
Cabdullahi Saciid Xassan
Faadumo ismaaciil
Prof. Maxamud Iman Adan
Sahal Cali Saciid
Xassan Cabdulle ismaciil
Prof. Cumar Caddow
Caraaye Cabdi Xassan
Abdicasis Shaalac Birre
Mustaf Abdirihman Abdulle
Abshiro Kaarshe Xassan
Cabdi Cusmaan Gurey
Nabadon Xaaji Maxamud Cabdi
Axmed Cali Waceys
Amb. Maxamed Warsame Cali - Kiimiko
Marwo Shukri Mood
Bashir Geesaweyne
Dr. Cali xaashi Doore

 

keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.