Suuqa Bakaaraha oo maalintii 2aad u xiran Daacish

Lacago aad u badan oo lagu qiyaasay $20,000 illaa $40,000 oo dollar ayay Daacish Bakhaar kasta waydiisatay, taasoo ay aysan Ganacsatadu bixin karin.

Warar Keydmedia Online
Suuqa Bakaaraha oo maalintii 2aad u xiran Daacish

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Maalintii 2aad xiran qeybo kamida Suuqa weyn ee Bakaaraha, oo ku yaalla Muqdisho kadib markii Daacish Canshuur baad ah waydiisatay Ganacsatada.

Sida qaar kamida ah Ganacsatada u sheegeen Keydmedia lacag u dhaxaysa $20,000-$40,000 oo dollar ayay Daacish Bakhaar kasta waydiisatay, taasoo aysan Ganacsatadu awoodin.

Qeybta Suuqa xiran ayaa ah mida lagu iibiyo qalabka dhismaha, oo ku taalla jidka Mareexaan halka loo yaqaano, iyadoo Ganacstada loogu hanjabay dil hadii ay bixin waayaan lacagta.

Ganacsatada ayaa bixiya labo Canshuur oo kale, oo ay siiyaan Al-Shabaab iyo dowladda, waxaana kusoo kordhay Daacish, oo dhawaan qaraxisay goob ganacsi oo ku taalla Bakaaraha.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bil kasta $15 milyan oo dollar ka hesha Canshuurta Ganacsiga Muqdisho, taasoo ka badan tahay mida dowladda Soomaaliya qaado, sida ay KON ogaatey.

Dowladda Soomaaliya ayaa sugi waysay amaanka Ganacsiga suuqa Bakaaraha, oo ah isha dhaqaalaha dalka, waxaana muuqata in kooxaha argagaxisadda ku tartamayaan Canshuurta.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.