Suuqa Bakaaraha oo hantidii ugu danbeysay lagala baxayo.

Muqdisho (Keydmedia) - Wararka ay kaheyleyso Keydmedia suuqa ugu weyn ganacsiga Soomaaliya ee Bakaaraha ayaa waxa ay xaqiijinayaan in ganacsatadii ku dhega adeygaysay in hantidoodu ay sii taallo suuqaasi ay bilaabeen in ay hantidooda ka daad gureestaan halkaasi.
Warar Keydmedia Online

Cabdulqaadir Geeseey oo kamid ah ganacsatada suuqaasi kabaayac mushtara ayaa waxa uu u sheegay Keydmedia in ganacsaadu habeenkii xalay ahaa ay bilaabeen in ay labaxaan hantida halkaasi ka taalla, iyaga oo ka cabsaday in ay ku hanti beelaan suuqaasi oo ay xilligaan ku sii siqayaan AMISOM iyo ciidamada dowlada.

Waxa uu intaa sii raaciyay Cabdulqaadir Geeseey in ganacsatadu hantodooda ay u daad gureynayaan Ceelasha Biyaha, degmada Deyniille iyo qeybaha dowladu Muqdisho ka maamusho.

Dagaaladii ugu danbeeyay ee kadhacay Hodon iyo Howlwadaag ayaa ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM waxa ay ka gaareen guulo lataaban karo iyaga oo xilligaan gaaray wadada Wadnaha oo ah halka laga galo Suuqa Bakaaraha, taas oo ah mida ganacsadada ku dhalisay in labaxsadan hantidooda iyaga oo kabaqdin qaba in suuqaasi ladhoco sidii waqtigii ay ciidamada Itoobiya dalka joogeen.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.