Suuqa Xamarweyne oo Isbadal Weyn laga Dareemayo (Warbixin)

Muqdisho (KON) Suuqa degmada Xamarweyne oo barisamaadkii qeyb ka,ahaa suuqyada ugu caansan qaarada afrika, hayeeshee ay saameeyeen dagaaladii sokeeye ee kadhacay Soomaaliya ayaa xiligani lasoo baxay ififaale kabadalan kii uu kujiray sanadihii lasoo dhaafay marka loo eego bilicda iyo ganacsiga xoogan ee suuqa kajira.
Warar Keydmedia Online

Dhismaha meheradaha ganacsi ee bilicda leh ganacsiga soo koraya ee kajira suuqa iyo jawi ka badalan 21-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa tusaale wanagsan u noqday ganacsiga soo ifaya ee suuqa degmada Xamarweyne, taasina waxa ay dhiira galin u noqotay ganacsatada oo hami u yeeshay in ay sii laba jibaaraan wax soo saarkooda ganacsi oo durbadiiba sabab u noqotay in suuqa laga hirgaliyo wax soo saar qeybo kala duwan leh.

Gawaarida iyo dadka caadiga ah ayaaney u suura galin mararka qaar in si caadi ah ay u isticmaalan wadooyinka suuqa degmada xamarweyne maadama ciriiga iyo saxmada suuqa aaney suura gal ka dhigeynin in si caadi ah qeybahaasi ay u wadaagaan

Ganacsatada suuqa Xamarweyne ayaa aaminsan in ganacsiga soo koroya ee kajira suuqa ay bud dhig u tahay amaanka iyo isbadala bilihii lasoo dhaafay soo wajahday muqdisho.

Dhinaca kale ganacsatada qaarkood ayaa ku taamaya in ganacsigooda uu ku xirmo suuqyada qaarada afrika taasina ay tahay hadaf ay gaari doonaa hadii uu sii jiro isbadalka xiligani kajira dalka

Inkastoo wali si rasmi ah aanu u howl bilaabin bacadlaha suuqa degmada Xamarweyne ayaa hadana ganacsatadu waxa ay u arkaan fursad kale oo wanagasan hadii si caadi ah loo howlgaliyo bacadlihii hore ee degmada Xamarweyne.

Keydmeda Online Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.