Suxufiyiinta Soomaaliya oo ka cabanaya Xarig iyo Faafreeb

Tafaftirihii guud Mustaf Cali Cadow oo ka tirsan idaacada madaxa banaan ee Hiiraanweyn iyo saddex saaxiibo ah ayaa la xiray khamiistii, waxaana hawada laga saaray idaacada.

Warar Keydmedia Online
Suxufiyiinta Soomaaliya oo ka cabanaya Xarig iyo Faafreeb

NAIROBI, Kenya - Suxufiyiinta ku sugan Soomaaliya ayaa sheegaya in dowladdu ay sii xaddideyso shaqadooda xilli ay socdaan howlgallo milateri oo ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxay Wariyeyaasha ka cabanayaan xarig iyo caburin, iyadoo awaamiir cusub ay dowladda soo saartay ku qasbaya xaruumaha warbaahinta inay wararkooda si qoraal ah kusoo gudbiyaan, si loo ansixiyo ka hor inta aan la daabicin ama TV, Idaacadda laga baahin.

Dhacdadii ugu dambeysay, Ciidamada booliska Hirshabeelle ayaa xabsiga dhigay afar ka mid ah shaqaalaha Idaacad ka howlgasha magaalada Beledweyne oo lagu magacaabo Hiiraanweyn, kadib markii ay sheegeen in Al-Shabaab ay weerar ku qaadey dhulka miyiga ah, ee dhawaan laga saarey.

Tafaftirihii guud ee Radio Hiiraanweyn, Mustaf Cali Cadow iyo saddex wariye oo la shaqeysa ayaa la xiray khamiistii, waxaana hawada laga saaray Idaacada oo la demiyay FM-keeda.

War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen Ururada Warbaahinta, ayaa lagu cambaareeyay weerarka Idaacadda Hiiraanweyn, waxayna ay dalbadeen in si deg deg ah loo sii daayo Suxufiyiinta.

Ururada saxafada ayaa walaac ka muujiyay awaamiirta cusub ee ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo faraya warbaahinta in ay soo gudbiyaan wararka ka hor inta aan la baahin.

Suxufiyiin badan ayaa diidey amarka, waxayna sheegeen in soo gudbinta macluumaadka ay caqabad ku noqon doonto madax-banaanida iyo xaqa ay dadweynuhu u leeyihiin inay ogaadaan warar hufan, oo ka tarjumaya wixii jira.

Dowladda illaa hadda si cad uma aysan shaacin amarka, kaasoo ahaa mid si hoose loogu diray xaruumaha Warbaahinta Muqdisho, oo qaar qaatey, qaarna diiday inay u ogaansamaan.

Tan iyo markii ay dowladdu ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab August 2022, waxaa isa soo tarayay cadaadiska lagu hayo Suxafiyiinta gudaha.

Dawladdu waxay sheegtay in Suxafiyiinta ka warbixinaya dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ay tahay inay tagaan goobta ama ay u hoggaansamaan xannibaadaha maamulka.

Cabdalla Axmed Muumin oo ah xoghayaha guud ee ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa xabsiga loo taxaabay October 2022 kadib markii uu dhaliilay wareegto ka soo baxday dowladda oo lagu sheegay in aan la tabin karin wararka dacaayadaha Al-Shabaab. Ka dib waxaa lagu sii daayay dammaanad ilaa laga sugayo dhageysiga maxkamadda 4-ta Jan 2022.

Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa meelaha ugu khatarta badan caalamka ee wariye ka shaqeeya. Weriyeyaasha waxay la kulmaan khataro ay ka mid yihiin xarig, weeraro iyo hanjabaad.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.