Swan iyo Qoor-Qoor oo Wadahadal ku yeeshay Dhuusamareeb

Ergayga QM ayaa wado dedaallo uu ku doonayo inuu ku qaboojiyo Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan doorashadda dalka.

Warar Keydmedia Online
Swan iyo Qoor-Qoor oo Wadahadal ku yeeshay Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Waxaa Maanta magaaladda Dhuusamareeb gaarey wafdi uu hogaaminayo ergayga QM James Swan oo Wadahadallo la leh Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Ujeedka Safarka Swan ayaa ah sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka hareeyay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, isagoo socdaal arintaasi ku saabsan ku tagey Koonfur Galbeed iyo Puntland, lana filayo inuu gaaro Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa qoraal ay soo saareen dhawaan waxay ku sheegeen inay ka walaacsan yihiin Xaaladda cakiran ee dalka ka taagan xilligan, waxayna ugu baaqeen Saamileyda siyaasadda inay shir loo dhan yahay isagu yimaadeen, islamarkaana heshiis buuxa ka gaaraan arrimaha dooda ka taagan.

Waxyaabaha la isku hayo ee doorashadda waqtigeeda ugu dhici waysay, waxaa kamid ah Ciidanka DF ee Gedo ku sugan oo Axmed Madoobe dalbadey in laga soo saaro, Xubnaha Gudiyadda Doorashooyinka, oo Musharixiinta Mucaaradka doonayaan la kala diro, oo la dhiso mid dhexdhexaad ah iyo magacaabista Gudiga doorashadda Xildhibaanadda Somaliland.

Lama oga waan-waanta iyo dhexdheaaxdinta James Swan ay mira-dhal noqon karto, oo dhinacyada is-khilaafasan uu ku qancin karo kulan inay Muqdisho isagu yimaadaan si khilaafka doorashadda heshiis looga gaaro.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.