Swan: Musuqmaasuqa waa caqabadda horumarka Soomaaliya

Mudadii uu Farmaajo uu xafiiska joogey, Soomaaliya waxay heerka ugu hooseeyo ka gashay dalalka ugu musuq-maasuqa badan adduunka.

Warar Keydmedia Online
Swan: Musuqmaasuqa waa caqabadda horumarka Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga QM ee Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in Soomaaliya caqabada ugu weyn ee kahor taagan inay horumar sameyso uu yahay musuq-maasuqa.

Swan ayaa xusay in Musuqa hay'adaha dowladda uu wiiqayo dedaallada ku aaddan dowlad-dhisidda, nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya oo mudo ka badan 30 sano ku jirtay colaad.

Sidoo kale wuxuu musuq-maasuqa dhaawacay kalsoonida shacabka ee dowladnimada Soomaaliya, kadib markii la arkay in madax kastoo xafiiska timaada ay lunsato hantida dadweynaha.

Hadalka Swan ayaa imaanaya xili warbixin dhawaan xafiiska Hantidhawrka soo saarey uu ku sheegay in miisaaniyadda dowladda sanadkii tagey 2020 laga waayay $685 milyan oo dollar.

Lacagahan ayaa waxay ku maqan yihiin hay'adaha iyo wasaaradaha dowladda, oo aan kusoo shubin Bangiga Dhexe ee dalka, waxaana lagu lunsadey mashariic iyo heshiisyo la bixiyay.

Waxaa ku jirta $17 milyan oo deeqo ah oo dibadda uga yimid dowladda iyo $31 milyan oo heshiisyo ah oo Wasiiradda ay saxiixeen, kuwaasoo ay ku maqan yihiin jeebka shaqsiyaad.

Farmaajo waxuu dalka uga tagayaa dhaxal aan wanaagsanayn iyo taariikh mugdi ah, marka la eego dhinac walba sida amniga, doorashadda iyo musuqa wuxuu gaareen meel hoose.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.