Sweden oo dhalinyaro Soomaaliyeed Xabsi lagu xukumay

Stockholm (keydmedia) Maxkamadda sare ee Dalka Sweden ayaa xukun maxkamadeed labo sano ah ku riday laba dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo loo heystay dacwad la xiriirta taageera siinta kooxaha ka dagaalama Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online

Dhalinyaradan oo lagu kala magacaabo Max’ed Aadan iyo Axmed Yare ayaa laga kala qabtay magaalooyinka waa weyn ee dalka Sweden bilihii May iyo June ee sanadkii 2009.

Sida Maxkamadu ay sheegtay dhalinyarada waxa ay qirteen in ay Soomaaliya yimaadeen taageersiinta kooxaha dowladda ka soo horjeedana ay ku howlanayaan, waxaana ay maxkamadda xustay in ay qaban qaabinayeen falal is qarxin ah.

Dacwada loo heystay dhalinyaradan oo mudo soo jiidameysay ayaa la soo afjaray maalinkii shalay ahaa oo xukunkan ay ku riday maxkamadda.

Www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.