Tababar loo soo xiray Ciidamada Badda

Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa tababar loogu soo xiray waddanka Uganda halkaasoo ay kusoo qaateen tababar socday muddo, waxaana lagu wadaa in ay dalka kusoo laabtaan 

Warar Keydmedia Online
Tababar loo soo xiray Ciidamada Badda

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa tababar loogu soo xiray waddanka Uganda oo kamida waddamada ay ka joogaan Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM ee Soomaaliya guuto ka tirsan ciiddanka badda, kuwaasi oo tababar ku qaatay Harada Lake Victoria oo ku taalla xuduudka Uganda ay wadaagto dalalka Tanzania iyo Kenya.

Taliyaha Ciiddanka gaarka ah ee ee Uganda ahna La-taliyaha Sare ee Madaxweyne Museveni  ee dhinaca Hawlgalladda Khaaska, Muhoozi Kainerugaba ayaa waxa uu ku booriyey Ciiddankaasi inay u diyaar garoobaan xilli kasta oo loo baahdo in iyaga loo daad-gureeyo dalalka kale, si ay uga qeyb qaataan howlaha nabadeynta ee gobolka oo dhan.

Ciidamada ayaa loo sheegan in loo daabuli doonaa meel kasta oo ay ciiddanka Uganda joogeen, si ay uga qeyb qaataan howlaha nabad gelyada ee Badaha.

Waxaa lag sheegaa in tiro yar oo ka tirsan Ciiddanka badda ee Uganda ay ka hawl-galaan Somalia, Uganda malahan badda haddana sidaas oo ay tahay waxay leedahay ciidamo gaara oo loo tababaray Badaha iyo Harooyinka waa weyn, waxa ayna Soomaaliya ka caawineysa sidii u heli lahaayeen ciidan Badeed dhammeystiran oo haysta tababar ku filan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.