TACSI: Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun

Muqdisho (Keydmedia) - Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun, Waxaa Saakay oo Taariikhdu aheyd 10/10/13 Magaalada Muqdisho ku Geeriyootay Marxuumad Xasano Macalin Cali.
Warar Keydmedia Online

Marxuumada Xaajiyo Xasano Mucalin Cali ayaa aheyd Hooyadii dhashay Xaaji Maxamed Axmed Xareed iyo dhamaan reer Axmed Maxamuud oo ku magacdheer reer Garcadde.

Warbaahinta Keydmedia iyo Shaqaalaheeda ku kala sugan dunida daafaheeda waxay tacsi tiiraanya leh hawada u marinayaan guud ahaan Ehaladii ay ka geeriyootay Marxuumad Xasano Mucalin Cali gaar ahaan Xaaji Maxamed Axmed Xareed iyo dhamaan reer Axmed Maxamuud.

Sidoo kale waxaan illahey Subxaanulwatacaala ah ka baryeenaa in Eheladii iyo Qaraabadii ay ka geeriyootay Marxuumada Samar iyo Imaan ka siiyo, murugtaasnah Illahey ugu badalo Ajar iyo Xasanaad.

Caraaye Cabdi Xasan ayaa Magaca Jaaliyadda reer Sweden iyo North Amerika uga tacsiyeynaya Eheladii iyo Qaraabadii ay ka Geeriyootay Marxuumad Xasano Macalin Cali.

Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.