Taiwan oo Wakiil cusub usoo magacawday Somaliland

Shiinaha ayaa uga digay Somaliland xiriirka Taiwan, maadaama ay tahay gobolka kamida dalkaasi.

Warar Keydmedia Online

HARGEYSA - Taiwan ayaa maanta wakiil cusub usoo magacawday Somaliland, kadib heshiis cusub oo labada maamul ee aan aqoonsiga caalamiga haysan ay wada gaareen kaasoo ay ku xoojinayaan xirirkooda diblumaasiyadeed.

Lou Chen ayaa Taiwan usoo direysa Somaliland, si uu wakiil ugu noqdo. Labada dhinac ayaa kala saxiixdey heshiis dhinaca is dhexgalka iyo ishkaashiba ku dhisan.

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya waxay sheegtay in aysan dhici karin in lagu xad gudbo taako ka mid ah dhulka dalkaasi iyo madax-banaanidiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.