Taliska Xabsiga dhexe: Burcadbadeed baan heynaa

Muqdisho (keydmedia) Taliska ciidamada Asluubta dowlada KMG ah ayaa shaaca ka qaaday in xabsiga dhexe ee gobalka Banaadir iminka ay ku xiranyihiin dad looga shaki qabo falal burcad badeednimo ah.
Warar Keydmedia Online

Taliyaha ciidamada asluubta C.llaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tira rasmi ah aanay hadda sheegi Karin laakiin ay jiraan dad loo heesta kiisas burcad badeenimo oo ku jira xabsiga.

Dhanka kale waxa uu xusay in maxaabiis kale duwan ay iminka xabsiga ku jirto isla markaana dhawaan sharciga la horgeyn doono sida hadalka uu u dhigay.

Xiliyada qaar waxaa dhacda in xabsiyada dowlada ay maamusho muda badan ay ku nagaadaan dad aan helin xukun maxkadmeed cadaalad ah.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.