Taliyaha ciidanka Asluubta: “Waa in uu raalli galin bixiyo Xasan Sheekh Maxamuud”

Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo ah Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, ayaa wax kama jiraan ku tilmaay eedaha loo jeediyay ciidanka Asluubta ee ku sugan Kawaanka Mallaayga, kuwaas oo shalay ku lug yeeshay kala shaki dhexmaray iyaga iyo ilaalada Madaxweyene Xasan Sheekh Maxamuud.

Warar Keydmedia Online
Taliyaha ciidanka Asluubta: “Waa in uu raalli galin bixiyo Xasan Sheekh Maxamuud”

MUQDISGO, Soomaaliya - Taliyaha ciidamaka Asluubta Soomaaliyeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa ilaalada Madaxweynhii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ku eedeeyay in ay masuul ka ahaayeeyn shaqaaqadii shalay ka dhacay Kawaanka Kaluunka oo ku yaalla agagaarka Maxkamadda gobolka Bamaadir.

Inkastoo, Taliye Mahad Cabdiraxmaan, uu shalay raalli gelin ka bixiyey rasaastii ciidan ka tirsan kuwa Asluubta ay huwiyeen gawaaridii galbineysay madaxweynihii hore, ayuu maanta mar kale la hadlay warbaahinta , isagoo eedda dusha u saaray Xasan Sheekh.

Wuxuu Xasan Sheekh, ka dalbaday inuu raalli galiyo ciidanka Asluubta, oo iyagoo aan cidna dhibaateyn iyaga la jaa’ifeeyay, siduu hadalka u dhigay Taliyaha ciidamaka Asluubta Soomaaliyeed.

“Waxaan dooneynaa ciidankoodii ayaan nahay ee hana raalli galiyeen, iyagaan nabad galyadooda ilaalineynaa, umadda nabd galyadeedaan ilaalinna, ee hanna raalli galiyaan”, ayuu yiri Taliye Mahdi.

Wuxuu sheegay in askarta Asluubtu, ay qabaan amar ah in ay hubsadaan cid kasta oo goobaha ay joogaan maraysa, isla markaana ilaalada Madaxweyne Xasan, ay isku dayeen in ay xoog ku maraan koontarool yaalla agagaarka Maxkamadda gobolka Bamaadir, taas oo sababtay kala shakigii shalay.

“In la yiraahdii askartii joojisay gaariga waa danbiile ee hala baaro waa khalad oo danbiile maaha, hadduu askarigu danbiile yahay anaa danbiile ah ee aniga ha la’i baaro, wixii aan ku jawaabana hala arko,” ayuu yiri Taliyaha ciidamaka Asluubta.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.