Taliyaha Ciidanka Xoogga oo ka badbaaday Qarax lagula eegtay Muqdisho

Ilaalada Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa toogtay Naftii halige isku dayay in uu isku dhex qarxiyo Kolonyada ilaalada xili ay maraysay wadada Tarabuunka.

Warar Keydmedia Online
Taliyaha Ciidanka Xoogga oo ka badbaaday Qarax lagula eegtay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta si dirqi ah uga badbaaday Qarax Gaari oo lagula eegtay Kolonyo galbinaysay  wadada Tarabuunka, ee degmada Hodon.

"Gaariga Surf ah oo uu waday qof ismidaamiye ah ayaa isku dayay in uu dhexgalo Kolanyada Ilaalada Taliyaha Xoogga Somalia, digniin ayaa la siiyay markuu qaadan waayay waa latogtay, kadib gaarigii ayaa yarxay," waxaa sidaasi yiri Ismaaciil Mukhtaar, oo Wasaaradda Warfaafinta DF, isagoo soo xiganaya Taliye Odaywaa.

Qaraxa ayaa ka dhacay Meel u dhaw Cisbitaalka Xoogga, waxaana bartilmaameedku ahaa Kolanyada Taliyaha Xoogga, Majiro Khasaarooyin dhimasho oo Askarta iyo shacabka soo gaarey marka laga reebo Is-qarxiyaha wadey Gaariga, oo Ciidamada Ilaalada Taliyaha kahor tageen in uu kolanyada soo dhexgalo.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka lagu qaadey Jen Odowaa xili uu kasoo baxay Dhismaha Wasaaradda Gaashaandhigga. Kooxda Al-Shabaab ayaa beegsata inta badan ragga hogaamiyaha Howlgallada Ciidanka ee lagu qaado degaanada ay maamusho.

Odowaa oo ah taliyihii ugu da'da yaraa oo xilka loo dhiibo [33 jir], ayaa ku yimid awoodda isku-shaandheyn Farmaajo sanadkii tagey ku sameeyay taliyeyaasha Ciidamada Xoogga kadib fashil amni oo dowladda soo wajahay xilligaasi.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.