Ma jirto cid buuxin karta kaalinta Mareykanka ee dagaalka Al-Shabaab

Madaxweyne Trump ayaa amar ku siiyay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka inay Soomaaliya kasoo saarto inta badan Ciidanka ka jooga, oo la filayo in loo wareejiyo dalal kale.

Warar Keydmedia Online
Ma jirto cid buuxin karta kaalinta Mareykanka ee dagaalka Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya - Go'aanka Trump ee Ciidanka looga soo saarayo Soomaaliya wuxuu abuuray cabsi iyo walaac ku aadan cida buuxin doonta booska ay baneynayaan askarta Ameerikanka ee la dagaalanka Al-Shabaab.

Taliyaha DANAB Col. Axmed C/llaahi Nuur ayaa sheegay in Ciidamada Mareykanka ay kaalin muuqata ka qaadan jireen la dagaalanka Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in bixitaankooda uu dhabar jab ku yahay howlgalladii socday.

"Runtii Majiro taariikhda dal lamid ah Mareykanka oo caawinaad noocaas ah siiyay Soomaaliya marka loo barbardhigo Ciidanka kale ee ku sugan wadanka. Mareykaka kaalintii waa mid la tabi doono, maadaama dhanka dagaalka iyo dib u dhiska Ciidamada ay ka muuqdeen,”  ayuu yiri Taliyaha Ciidanka DANAB.

Sidoo kale, wuxuu taliyaha tilmaamay in Soomaaliya looga baahan yahay inay isku tashato, islamarkaana ay cashar ka barato Ciidan shisheeye in aan la isku haleyn karin difaaca iyo xoreynta wadanka.

"Go'aankii Mareykanku uu uga saaray Ciidamadiisa Soomaaliya marxaladdan adag ee dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo shabakadooda argagixisada Al-Qaacida waa mid aad looga xumaado," ayuu yiri Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo katirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Trump ayaa doonaya in 700 askari oo ku sugan Soomaaliya intooda badan lasoo qaado, iyadoo la reebayo kuwa aad u yar oo ilaalinaya Safaaradiisa iyo diblomaasiyiinya degan Xalane. Lama oga Joe Bidan inuu bedeli doono go'aankan.

DANAB oo gacanta ku hayay Mareykanka dhanka tababarka, qalabka iyo mushaarka lama oga halka ay ku dambeyn doonaan, waxayna bixitaanka Mareykanka fursad siinaysaa Al-Shabaab oo dhibaato ku qabtay duqeymaha.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.