Taliyaha DANAB oo ku dhaawacmay weerar lagu qaadey Gud Sh/Hoose

Gaashaanle Cabdullaahi Beeryare ayaa xilka taliyaha DANAB loo magacaabey bishii lasoo dhaafay, kadib markii Farmaako uu eryay Cabdimaalik oo mudo Todobaadyo ah ugu xirnaa Wasaaradda Gaashaandhigga.

Warar Keydmedia Online
Taliyaha DANAB oo ku dhaawacmay weerar lagu qaadey Gud Sh/Hoose

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha cusub ee Ciidamada DANAB ayaa ku dhaawacmay weerar qarax iyo mid toos ah oo Saakay lagu qaadey Kolonyo galbinaysay Gudoomiyaha Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii.

Weerarka gaadmada ah ayaa ka dhacay degaanka Tixsiile, oo ku dhaw Wanlaweyn, waxaana goobta ku dagaalamay rag katirsan Al-Shabaab iyo Ciidanka la socday gudoomiyaha oo xiligaas ka yimid Balli-doogle, kuna soo jeeday Muqdisho.

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in 4 askari oo DANAB ah ay ku dhinteen qaraxa, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo uu ku jiro Cabdullaahi Beeryare, kuwaasoo dhaawacyadooda loo qaadey Balli-doogle.

Ma jiro war kasoo baxay dowladda Farmaajo oo ku aadan weerarka culus ee lagu dhaawacay Taliyaha DANAB, kaasoo xilkan uu Farmaajo u magacaabey bishii lasoo dhaafay kadib markii uu eryay Gaashaanle Cabdimaalik.

Shabeellaha Hoose ayaa ah gobolka ugu colaadaha badan Soomaaliya, waxaana aad ugu xoog badan Kooxda Al-Shabaab, iyadoo ay ku sugan yihiin Ciidamo badan oo katirsan dowladda iyo AMISOM oo mudo ka badan 10 sano kula dagaalamayay argagaxisadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.