Taliye sare oo lagu dilay dagaal ka socda Sh/|Dhexe

Col C/waaxid wuxuu ahaa askartii lagu soo tababaray dalka Turkiga ee dhawaan Muqdisho lagu soo celiyay.

Warar Keydmedia Online
Taliye sare oo lagu dilay dagaal ka socda Sh/|Dhexe

JOWHAR, Soomaaliya - Dagaal culus oo maalmihii lasoo dhaafay ka socda degaanno ku yaalla duleedka Jowhar ayaa geystay khasaarooyin kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa Maanta xaqiijiyay in dagaal ka dhacay tuulada Jalable, oo katirsan War-Ciise lagu dilay Gaashaanle Maxamed C/waaxid oo ahaa Sarkaal aad ugu firfircoon difaaca dalkiisa, kana dhex muuqday Ciidanka.

Gaashaanle C/waaxid wuxuu katirsanaa Guutada 6aad ee Gorgor, isagoo tababar kusoo qaatey dalal kala duwan, oo ugu dambeeyay Turkiga, waxuuna markii dalka kusoo laabtay loo qaadey jiida hore ee dagaalka, oo ugu dambeyn lagu dilay.

Ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab dagaal ku dhex-maraya degaanno ku teedsan inta u dhaxaysa Jowhar iyo Ceel-Cali, waxaana colaadda ku dhintay askar iyo saraakiil badan.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen Odowaa Yuusuf Raage ayaa hogaaminaya howlgallada, isagoo maalin kahor sheegay inay dileen in ka badan 100 katirsanaa Kooxda Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.