Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta oo geeriyooday

Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Generaal Cabduqaadir Cali Diiriye ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO - Generaal Cabduqaadir Cali ayaa maanta oo Sabti ah ku geeriyooday Caasimadda, asigoo maalmihii u danbeeyay xanuunsanaa.

RW Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida Jananka waxa uuna yiri:“Naxariistii Janno Allaha ka waraabiyo General Cabdulqadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ahaa ruug caddaa ciidan iyo waayo arag dalka iyo dadka ugu soo shaqeeyay si daacadnimo iyo geesinimo leh. Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo Qaranka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.