Taliyihii ururka 6-aad ee Gorgor oo Muqdisho lagu aasay

Taliyihii ururka 6-aad ee ciidanka Kumaandooska Gorgor ayaa maanta loo sameeyay Aas qaran, iyadoo wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya uu ka qeyb galay.

Warar Keydmedia Online
Taliyihii ururka 6-aad ee Gorgor oo Muqdisho lagu aasay

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliyaha ciidanka dhulka Gen. Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka qeyb galay Aas Qaran oo maanta magaalada Muqdisho loogu Sameeyay AUN Taliyihii Ururka 6-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Maxamed Cabdi waaxid Faarax iyo Askar kale oo ku geeriyooday dagaallo ka socda deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha Dhex.

Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in wado sax ah ay ku bexeen shuhadana ay yihiin waxaana uu xusay in Qaranka Soomaaliyeed marna uusan ilaabi doonin  Daljirayaasha  geeriyooday iyagoo ku jira Difaaaca Qarankooda.

Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka difaaca dalka oo ka hadlayay goobta ayaa waxay la dardaarmeen ciidamada iyagoo boogaadiyay kuwa had iyo jeer dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.