KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Fawsiya Abiikar Nuur iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Alberto Vecchi ayaa kala saxiixday heshiis wax loogu qabanayo qeyb ka mid ah Isbitaalada Muqdisho.
MUQDISHO, Soomaaliya - Heshiis-kan ay kala saxiixdeed Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa ku kacaya adduun dhan 3 Milyan oo lacagta Yurub ah, taas oo wax looga qaban doono baahida ka jirta goobaha caafimaad ee Wasaaradda Caafimaadku gacanta ku heyso.
Labada masuul ayaa heshiiska kadib booqday dhawr qaybood oo ka mid ah isbitaalka Hooyadda Iyo Dhallaanka ee Banaadir.
Arrintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo caabuqa saf marka ah ee Corona-Virus uu soo laba kacleeyay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.