Tarsan “Ma ogli in Madfac shacabka lagu garaaco”

Muqdisho(Keydmedia) Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max’ed Max’ud Tarsan ayaa sheegay inuu aad uga soo horjeedo talaabooyinka lagu duqeynayo goobaha shacabka ay daganyihiin.
Warar Keydmedia Online

“Ma ogali in madfac lagu garaaco shacabka Soomaaliyeed, isla markaana maalin walba ay dhintaa, reer muqdisho waxay xaq u leeyihiin in ay nabad ku noolaadaan” sidaa waxaa yiri Tarsan gudoomiyaha gobalka Banaadir.

Hadalka Tarsan ayaa ka danbeeyay kadib markii maalmahan duqeymo joogta noqday iyada oo aanu dagaal jirin ay ka bilaabeen gudaha muqdisho ciidamada Amisom oo taageera siiya dowladda uu hogaamiyo shariif Shiikh Axmed, waxaana duqeynta Amisom ee seddexdii casho ee la soo dhaafay ku geeriyooday dad ka badan 50 iyadoona tira intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Inkastoo gudoomiye Tarsan uu ka soo baxay dhawaqan wanaagsan ayaa hadana dhanka kale waxaa xusid mudan in xiliyo hore uu gudoomiyaha sidan oo kale uga dhawaajiyay inaanu u dulqaadan Karin dhibaatada la gaarsiinaya shacabka balse ma jirin haba yaraatee ficil wehliya erayadaasi.

 

WWW.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.