Tirada dadka uu ku dhacay caabuqa Covid-19 48dii saac ee lasoo dhaafay

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay tirada dadka uu ku dhacay caabuqa Covid-19 48 -dii saac ee lasoo dhaafay.

Warar Keydmedia Online
Tirada dadka uu ku dhacay caabuqa Covid-19 48dii saac ee lasoo dhaafay

MUQDISHO, Soomaaliya - Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 6 Maarso sanadka 2021 Tirada 48 -dii saac ee ugu dambaysay laga baaray Calabuqa saf marka ah ee COVID-19 guud ahaan wadanka Soomaaliya waa 1,669 qof oo isu jira rag iyo dumar ka kooban waayeel, dhallinyaro iyo caruur.

Waxaa laga Helay caabuqa oo la xaqiijiyay 191 qof oo kamida dadkii la baaray.

144 kamida dadkaasi waxa ay ku sugan yihiin magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, sidoo kale gobollada waqooyi ee loo yaqaan Somaliland waxaa laga helay 31 qof

Dowlad goboleedka Jubaland waxaa isna laga helay dad tiradoodu ay gaareyso 16 qof kuwaasoo iyagana la xaqiijiyay caabuqa Covid-19 in ay qabaan

Tirada dadkaas laga helay waxaa Lab ka ah 112 qof sidoo kalena waxaa dheddig ka ah 79

Tirada dadka u dhintay muddadaas 48 -da saac ah waxay gaaraysaa 20 ruux  oo 18 kamida ay ku geeriyoodeen gobolka Benaadir, halka inta kalena ay yihiin gobollada waqooyi ee Somaliland, waana 2 ruux.

Tirada dadka kasoo bogsaday ee la xaqiijiyay kuwaasoo mar kale la baaray ee laga waayay waxay noqotay 31 ruux

Wadata guu ee laga helay caabuqa waddanka Soomaaliya ayaa waxay sii caga-cageyneysaa 8,041 ruux.

Bogsashada guudna waa 3,932 ruux halka dhimashada guudna ay tahay 294 ruux.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.