Khasaaraha Dagaalkii Boosaaso oo kordhay

Madaxweyne Deni ayaa isku dayaya inuu soo afjaro xukunka qoyska reer Diyaano ee PSF, oo dhaqaalo badan siiya Mareykanka si ay ula dagaalamaan kooxaha argagaxisada gobolka Bari.

Warar Keydmedia Online
Khasaaraha Dagaalkii Boosaaso oo kordhay

BOOSAASO, Soomaaliya - Waxaa sii kordhaya khasaaraha Dhimashada iyo Dhaawaca Dagaalkii shalay ka dhacay Boosaaso ee u dhaxeeyey Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa PSF ee ka amar qaata Maxamuud Cismaan Diyaano oo diidan xilka-qaadistii lagu sameeyay 24-kii bishii lasoo dhaafay.

Inta la ogyahay tirada Dhimashada oo shalay ahayd 10 ruux, ayaa hadda mareysa 15 oo isagu jira askar iyo dad shacab ah, sida ay inoo xaqiijiyeen howlwadeenada Caafimaadka labo Isbitaal oo ku yaalla Boosaaso, oo la geeyay dhaawaca iyo meydadka.

Dagaalka oo saacado badan socday shalay, ayaa sababay dhaawaca 50 qof, kuwaasoo qaarkood xaaladooda ay culus tahay, waxaana dhaqaatiirtu isku dayayaan inay badbaadiyaan.

Tirada askarta labada dhinac ka dhintay ayaa gaaraya 8, iyadoo labbo ka mid ah ay kamid ahaayeen Ciidamada PSF, sida uu warbaahinta u sheegay Maxamuud Cismaan Diyaano, inkastoo aan jirin illo madax-banaan oo warkiisa xaqiijin karin.

Inta badan Meydadka ayaa saaka lagu aasay gudaha Boosaaso, maadaama ay shalay suuragalli weysay, sababo la xiriira dagaalka oo saacado badan qaatay, halka dhanka kalana xarumaha Caafimaadka lagu dabiibayo kuwii ku dhaawacmay dirirta.

Waxaa weli banaanka Boosaaso ku dayacan, qoysaskii shalay ka barakacay Magaalada, kuwaasoo baqdin ka muujinaya in ay guryahooda ku soo laabtaan, waxayna wehel u noqdeen dhibaatooyin kala duwan oo ay hoy la'aan ugu weyn tahay.

Ciidamada Deni ayaa dib u gurasho sameeyay markii la iska caabiyay, waxayna xalay dhufeysyo hor leh ka qoteen magaaladda, iyagoo isku dayaya markale inay weeraraan Ciidamada PSF, taas oo Boosaaso waji colaaddeed u yeeshay, iyadoo ay suuragal tahay in saacad kasta uu dagaalku billawdo.

Waxgaradka ayaa ku baaqayo in wada hadal lagu xalliyo khilaafka jira, halka dowladda Mareykanka oo Ciidamada PSF ka taageerta tababarada iyo qalabeynta ay ku boorisay labada dhinac in la dejiyo xaaladda, dadka rayidka ahna loo oggolaado in ay aqalladooda ku soo laabtaan.

Madaxweyne Deni ayaa isku dayaya inuu soo afjaro xukunka qoyska reer Diyaano ee PSF, oo dhaqaalo badan siiya Mareykanka si ay ula dagaalamaan kooxaha argagaxisada gobolka Bari.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.