KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wuxuu kaloo sharraxay in al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ay ka mid tahay 'kooxaha argagixisada ugu kobaca badan, ugu qanisan, uguna dilaasan adduunka.'
MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha AFRICOM General Stephen Townsend ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay aad uga halis badan tahay Soomaaliya marka laga hadlayo joogitaanka askarta.
Isagoo ka soo hormuuqday Aqalka Senate-ka Mareykanka Talaadadii, 15-kii Maarso, ayuu Generalka xusay in tillaabadiisanadkii hore Ciidamada looga saaray Soomaaliya ay adkeysay inay si fiican ula dagaalamaan Al-Shabaab.
Bishii March 2020, Al-Shabaab ayaa weerar ku qaadey saldhigga Ciidanka Mareykaka ee Manda Bay, ee Lamu oo ku dhaw xadka Soomaaliya, halkaasoo ay ku dishay saddex askari.
Saldhigyada Mareykanka ku leeyahay Soomaaliya ma jiro mid weerar kaas lamid ah uu ka dhacay, taasoo uu taliyaha ku tilmaamay inay muujinayso in Kenya ay ka halis badan tahay Soomaaliya.
Wuxuu kaloo sharraxay in Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ay ka mid tahay 'kooxaha argagixisada ugu kobaca badan, ugu qanisan, uguna dilaasan adduunka.'
Waxuu ku macneeyey ka bixitaankii Soomaaliya go'aan qaldanaa oo Trump qaatey, kaasoo halis geliyay dadka Maraykanka ah ee ku sugan dalalka dariska la ah Soomaaliya ee Geeska Afrika.
Bishii December 2020, Trump ayaa amray in ilaa 700 oo askari laga saaro Soomaaliya oo tababar siin jiray DANAB, kuwaasoo qaabilsanaa la dagaalanka Al-Shabaab, oo duqeymo ay ku beegsan jireen saldhigyada kooxda.
Ciidamada ayaa door muhiim ah ka qaatay la dagaalanka Al Shabaab. Ciidamada ayaa loo raray dalalka dariska ah oo ay ku jiraan Kenya iyo Jabuuti, waxaana la filayaa in ay fuliyaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada.
Milliteriga Maraykanka ayaa xaqiijiyey ka bixitaanka bisha Janaayo 2021, inkastoo khubaradu ay ka digeen in tallabadaasi ay tahay mid fursad u noqotay Kooxda Al-Shabaab oo lasoo baxdey xirfado casri ah oo dhanka qaraxyada ah.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Mareykanka uu ka fiirsanayo inuu Ciidamada dib ugu soo celiyo Soomaaliya si ay gacan uga geystaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika [AFRICOM], oo xaruntiisu tahay dalka Jarmalka, ayaa saldhigyo ku leh Jabuuti iyo Kenya, iyadoo Soomaaliya ay ka wadaan howlgallo duqeymo ah.
Tobankii sano ee la soo dhaafay, Kenya waxaa ka dhacayay weeraro argagaxiso oo ay ku dhinteen dad badan, kuwaasoo ay ku jiraan Westgate Mall, Dusit D2 iyo Jaamacadda Gaarisa.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.