Trump oo fulinaya go’aan khatar ku ah amniga Soomaaliya

Trump ayaa xilka ka qaadey maalmo kahor Mark Esper oo ahaa Wasiirkiisa Difaaca, kadib markii uu kasoo horjeestay qorshaha Ciidamada Mareykanka looga soo saarayo Soomaaliya iyo Afghanistan.

Warar Keydmedia Online
Trump oo fulinaya go’aan khatar ku ah amniga Soomaaliya

WASHINGTON - Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu Soomaaliya kasoo saari doono dhamaan Ciidamada ka jooga kahor inta uusan ka tagin xafiiska Aqalka Cad January 2021.

Wargeyska New York Times ayaa soo wariyay markii labaad warka ku saabsan Ciidanka Mareykanka ee laga soo qaadayo Soomaaliya, iyadoo warbixinta lagu sheegay inay tallaabada Trump ay saameyn weyn ku yeelan karto dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Trump ayaa xilka ka qaadey maalmo kahor Mark Esper oo ahaa Wasiirkiisa Difaaca, kadib markii uu kasoo horjeestay qorshaha Ciidamada Mareykanka looga soo saarayo Soomaaliya iyo Afghanistan.

Donald Trump, oo qarka u saaran inuu xafiiska baneeyo kadib markii looga adkaaday doorashadda 2020, oo ku guuleystay Joe Biden, wuxuuna Madaxweynaha xilka kasii degaya sheegay inuu fulin doono ballanqaadyadiisii doorashadii 2016.

Mareykanka ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya ku dhawaad 1,000 oo askari kuwaasoo la dagaalamaya Al-Shabaab, iyagoo sidoo kale tababaray Ciidanka Danab, oo indho u ah marka ay howlgallada ka fulinayaan degaanada Al-Shabaab.

Haddii Trump uu la baxo Ciidamada Mareykanka, waxaay fursad siinaysaa Al-Shabaab oo dib u qabsan doono degaanadii sida dhabka badan looga saarey, sida ay aaminsan yihiin khubaradda dhinac amniga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowaan bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in iskaashiga joogtada ah ee amniga ee Soomaaliya iyo Mareykanka & kobcinta awooda Ciidanka DF ay fure u tahay la dagaallanka Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.