Trump oo Soomaalidii ugu badnayd soo tarxiilay

Sanadkii 2017, ku dhawaad 275 qof oo Soomaali ah ayuu Trump kasoo musaafuriyay dalka Mareykanka, kuwaasoo lagu soo celiyay dalka, oo markii hore colaadda uga carareen.

Warar Keydmedia Online
Trump oo Soomaalidii ugu badnayd soo tarxiilay

WASHINGTON, US - Madaxweyne Trump oo mudo-xileedkiisa 14 maalmod uga hartay ayaa soo tarxiiley Soomaalidii ugu badnayd sanadkan cusub, kuwaasoo Shalay oo Jimco ahayd diyaarad kasoo qaadey gobolka Louisiana.

Tiro ahaan waxay gaarayaan 70, oo dhamaantood rag ah, waxaana lagu dejinayaa Kenya, oo diyaarad kale uga soo qaadi doonto dhinac dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaaladda Muqdisho.

Sababta dadkan loo soo tarxiiley ayaa ah inay Mareykanka ay ku galeen qaab sharci-darro ah, iyagoo uga gudbay xuduuda Mexico, oo ah marinka ugu weyn ay Muhaajiriinta ka yimaada Koonfurta iyo bartamaha Latin America ka galaan.

Waxaa jira boqolaal kale oo Soomaalid ah oo ku xiran xabsiyo ku yaalla Mareykanka, kuwaasoo sugaya in lasoo musaafuriyo. Sanadkii 2017, markii Trump xukunka qabtay, 275 Soomaali ah ayuu soo tarxiilay.

Dadka lasoo celinayo qaar ayaa dhibaato la kulmay markii laga dejiyay Muqdisho oo qaraxyo iyo dilal ka socdaan, waxaana jira kuwa badan oo u cararay Kenya, oo qoxooti mar labaad ku noqday, iyagoo rajo ka qabo in Mareykanka uu qaado.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.