Turkiga oo qeyb ka qaadanaya la dagallanka Al-Shabaab

Turkiga ayaa saldhig milatari ka hirgeliyay Soomaaliya sannadkii 2017-kii , kaas oo noqday xarunta tababbar ee ugu weyn adduunka ee uu Turkiga ka hirgeliyo meel ka baxsan gudaha dalkiisa. Waxaana tababbarro iyo taageero kale lagu siiyaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Turkiga oo qeyb ka qaadanaya la dagallanka Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo booqasho ku jooga Turkiga ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaasi kula kulmay dhigiisa, waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa la dagaalanka Al-shabaab, loona sii  xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka wanaagsam ee ka dhaxeeya labada wasaaradood.

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale dhigiisa Turkiga ka dalbaday sidii loo kordhin lahaa taageerada iyo tababbarada dowlada Turkiga ay la garab taagan yihiin ciidamada xoogga Soomaaliyeed.isaga oo uga mahadceliyay taageerada iyo tababarada hagar la'aaneed ee dowlada Turkiga la garab taagan tahay dowlada Soomaaliya.

 10-kii sanno ee ugu dambeysay Turkiga waxay galaangal muuqda ku lahayd Soomaaliya, waxayna dowladihii is xig-xigay la wadaageysay xiriir iskaashi, dhaqaale iyo mid dhinaca taageerada ah.

Turkiga ayaa saldhig milatari ka hirgeliyay Soomaaliya sannadkii 2017-kii , kaas oo noqday xarunta tababbar ee ugu weyn adduunka ee uu Turkiga ka hirgeliyo meel ka baxsan gudaha dalkiisa. Waxaana tababbarro iyo taageero kale lagu siiyaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.