Turkish Airlines oo joojinaysa duulimaadyadii Muqdisho

Arrintan ayaa waxa u xiran, ku dhawaad 30 dhallinyaro ah, kuwaa oo qaarkood tahriib lagu qabtay, halka kuwa kalana lagu soo celiyey falal denbiyeedyo ay ka sameeyeen gudaha Turkiga.

Warar Keydmedia Online
Turkish Airlines oo joojinaysa duulimaadyadii Muqdisho

MUQSISHO, Soomaaliya - Shirkada Turkish Airlines, ayaa qorsheyneysa in ay joojiso duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Muqdisho, caqabado dhowr ah oo soo wajahay shirkada awgeed.

Qorshaha ay shirkada ku joojineyso duulimaadyadii Muqdisho, ayaa yimid kadib markii labo jeer gudaha diyaaradaha shirkadaas ay dagaal ka dhex sameeyeen dhallinyaro Soomaaliyeed, oo Turkiga laga soo celiyey.

Dhallinta la soo celiyey ayaa lagu qabtay iyagoo howlan arrimo la xiriira tahriib, waxana dhacdadii ugu danbeysay ay dhacday shalay markasoo koox dhallinyaro ah ay gudaha diyaarada ku dhex jirdileen mid ka mid ah shaqaalaha diyaarada, iyagoo bur buriyey qeybaha diyaarada.

Waa falkii labaad oo gudaha diyaaradaha Turkish Airlines ka dhaca, muddo labo toddobaad gudaheed ah, iyadoo labada dhacdaba ay bur bur iyo waxyeelo  gaarsiiyeen, shaqaalaha iyo qeybaha ay ka kooban tahay diyaaradaha shirkadaas.

Arrintan ayaa waxa u xiran, ku dhawaad 30 dhallinyaro ah, kuwaa oo qaarkood tahriib lagu qabtay, halka kuwa kalana lagu soo celiyey falal denbiyeedyo ay ka sameeyeen gudaha Turkiga.

Caqabadaha ayaa ku soo beegmaya, xilli shirkada Turkish Airlines, ay maalmihii ugu danbeeyey ay caddaadis kala kulmeysay waaxda duulimaadyada Turkiga, oo ku eeddeynayay shirkada in dadka ugu badan ay soo qaado ay yihiin, kuwa tahriibayaal ah.

Shirkada ayaa iminka wada hadal kula jirta, Wasaaradda arrimaha dibadda iyo madadaxda hay'adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee Soomaaliya, kuwaas oo ay u bandhigeen qorshahooda duulimaad ee soo Soomaaliya, oo hakan doona dhawaan.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.