UK oo Safiir cusub usoo dirtay Soomaaliya

Safiirka cusub ayaa lagu  wadaa inay xafiiska la wareegayo bartamaha Feburary 2021.

Warar Keydmedia Online
UK oo Safiir cusub usoo dirtay Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Kate Foster ayaa loo soo magacaabey inay noqoto Safiirka cusub ee UK u fashion doonta Muqdisho.

Ms Kate Ben Fender ayaa bedelaysa Ben Fonder oo safiir soo ahaa tan iyo 2019, kaasoo xilka kale oo diblomaasiyadeed loo dhiibayo.

Waxay Kate xilka si rasmi ula wareegi doontaa Feburary 2021, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Ingiriiska.

Ingiriiska ayaa kamid ah dalalka reer galbeedka ee  safaaradaha ku leh Muqdisho, waxayna deganyihiin Xalane.

UK ayaa taageero dhaqaale iyo mid Ciidan siisaa dowladda Soomaaliya, waxayna Baydhabo ku leedahay  Saldhig ay ku tababaraan Ciidanka Xoogga.

KEYDMEDIA  ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.