Villa Somalia oo beenisay xog la xariirta ciidanka jooga Eritrea

Villa Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si rasmi ah u beenisay wararka sheegay in ciidan Soomali ah ka qeyb qaateen dagaalka Waqooyiga Itoobiya.

Warar Keydmedia Online
Villa Somalia oo beenisay xog la xariirta ciidanka jooga Eritrea

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariim Cali Kaar, oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha xarunta Villa Somalia, ayaa beeniyay warar hore u soo baxay oo sheegayay in askar tababar loogu qaaday Eritrea ka dagaal galeen Itoobiya.

Ciidankaas oo ay Dowladdii hore si qarsoodi ah ku geysay Eritrea, intii u dhaxaysay 2019 iyo 2020-kii ayuu Cabdikariim Cali Kaar sheegay in aysan waligood ka qayb qaadan dagaalka gobolka Tigrayga ee u dhexeeya maamulka Abiy Axmed iyo Jabhadda TPLF.

Kaar wuxuu xusay in askartii la la’aa la helay, kuwaas oo tiradoodu gaareyso, 5000, oo askari, isagoo sidoo kale meesha ka saaray wararka sheegaya in Eritrea ay afduub ku haysato askarta Soomaalida ah oo ay ka rabto lacagtii ay tababareysay saddexda sano.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaalkiisa dalalka gobolka [Geeska Afrika] iyo guud ahaa waddamada Qaaradda Afrika ka billaabay dalka Eritrea todobaadkii hore, halkaasoo uu ku booqday xerooyinka ay ku xareysan yihiin askarta.

Booqashada Madaxweynaha waxa ay sababtay in markii ugu horreysay la arko muuqaalka askartaas oo tan iyo 2019 aan indho la saarin, Madaxweynaha ayaana hore u ballan qaaday inuu juhdi xooggan gali doono sidii askartaas dib loogu soo celin lahaa dalka.

MW Xasan ayaa dhawaan kulan xog-warran ah la qaatay guddi ka socday waalidiinta dhalay askarta ku maqan, kadib markii uu ka soo laabtay booqashadii afarta maalin ahay oo uu ku tagay dalka dhaca waqooyi bari Afrika iyo xeebta badda cas.

Maamulkii Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku fashilmay inuu dib u soo celiyo askarta, xitaa wuxuu awoodi waayay inuu bulshada la wadaago xogtooda rasmiga ah, taasoo dhalisay in ehellada dhallinyarada bannaan-baxyo ka dhigaan dalka.

KEYDMEDIA ONLINE  

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.