Villa Somalia oo shaacisay tirada dhalinyarada lagu la’yahay Eritrea

Waa markii ugu horeysay oo Madaxtooyadda daboolka ka qaado tirada dhalinyarada maqan, ee la sheegay inay ka qeyb qaateen dagaalka Tigray, Itoobiya.

Warar Keydmedia Online
Villa Somalia oo shaacisay tirada dhalinyarada lagu la’yahay Eritrea

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdisaciid Muuse Cali, oo ah la -taliyaha amniga Farmaajo ayaa shaaciyay tirada rasmiga ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed, uu Fahad Yaasiin u diray Eritrea 2019-2020.

Wareysi uu bixiyay ayuu Cabdi Saciid ku sheegay 5,000 [Shan Kun], oo dhalinyaro ah ay Villa Somalia u dirtay Eritrea, si halkaasi loogu soo tababaro, iyadoo illaa hadda wiilasha aan dib usoo laaban.

La-taliyaha wuxuu beeniyay in dhalinyarada ay ka dagaalameen gobolka Tigray, ee waqooyiga Itoobiya sanadkii tagey, iyadoo ay la socdeen Ciidamada Eritrea ee loo diray halkaasi si ay Abiy Axmed uga gacan siiyaan la dagaalanka TPLF.

Waxaa hadda la helay tirada wiilasha maqan, oo lagula xisaabtami karo Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, hadii aysan iyagoo nool dalka kusoo laaban, islamarkaana cadaato inay ku dhinteen dagaalka Itoobiya.

Dhalinyaradan ayaa lagu qalday in loo qaadayo dalka Qatar, oo ay kamid noqonayaan askarta amaanka Garoomada lagu qabanayo ciyaaraha Koobka Adduunka 2022, laakiin la geeyay Eritrea oo tababar lagu siiyay, kadibna sida Qaramada Midoobey sheegtay lagu arkay gobolka Tigray iyagoo ka dagaalamaya.

Wiilasha maqan waxay badankooda ahaayeen arday dugsiyada sare dhigta, kuwaasoo laga soo qoray gobollo kala duwan, gaba ugu badnaadeen degaanada Galmudug, waxaana la sheegay in Qoor-Qoor uu wax ka og yahay.

Gabadhii haysay liiska dhalinyarada maqan Ikraan Tahliil ayaa la waayay bishii June, waxaana la tuhmayaa inay Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis ay meel ku qariyeen gudaha Muqdisho, iyagoo ka baqaya inay bixiso xog xasaasi ah oo la xiriirta kiiskan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.