Villa Somalia: Qaar kamid ah askartii loo qaadey Eritrea way dhinteen

Markii uu xilka wareejinayay Farmaajo wuxuu khudbadiisa ku sheegay in 5,000 oo askari oo dhameystay tababar ay diyaar ku yihiin Eritrea, oo dowladda cusub laga doonayo inay soo qaado.

Warar Keydmedia Online
Villa Somalia: Qaar kamid ah askartii loo qaadey Eritrea way dhinteen

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Villa Somalia Cabdikariin Cali Kaar, ayaa shaaciyay in qaar kamid ah askartii tababarka ugu maqnayd ay dhinteen xili dhawaan Farmaajo file-ka Ciidamada oo gaaraya 5,000 uu ku wareejiyay Xasan Sheekh xafladii xil-wareejinta May 23.

Isagoo ka qeyb-galay dood su'aallo waydiin ah oo ka baxaysay Somali Cable TV, Afhayeenka ayaa sheegay in askarta qaar ay ku dhinteen tababarka, qaarna si caadi ah u dhinteen, isagoo aan la wadaagin bulshadda tiradoodu inta ay la egtahay.

Maamulkii hore ee Farmaajo wuxuu sheegay in hal askari uu dhintay. Askar soo baxsatay sanadkii hore waxay iyaguna xaqiijiyeen illaa 7 askari inay ka dhinteen. Wali lama oga tirada rasmiga ah.

"Tababarka qaar baa ku dhintay, qaarbaa jira oo iskooda isaga dhintay, waalidiinta way ka war-hayaan Carruurtooda inta dhimatay iyo inta nool. Waana la keenayaa dalka. Maanta ma jirto dowladda Soomaaliya xili ay uga baahi badan tahay askartaas, maadaama ahmiyad gaar ah amniga uu u leeyahay Madaxweyne Xasan Sheekh," ayuu yiri C/kariin Cali Kaar.

Afhayeenka wuxuu dhanka kale beeniyay wararka sheegaya in dowladda Eritrea ay madax-furasho u haysato askarta, maadaama aan la siinin lacag $50 milyan gaareysa, oo ku baxday tababarkooda, cuntadooda iyo waxyaabaha kale ee la xiriira nolosha Ciidanka ku jira xeryaha.

Bishii lasoo dhaafay, markii uu xilka wareejinayay Farmaajo wuxuu khudbadiisa ku sheegay in 5,000 oo askari oo dhameystay tababar ay diyaar ku yihiin Eritrea, oo dowladda cusub laga doonayo inay soo qaado.

Laakiin, warar kale ayaa sheegaya in tirada askarta ay gaareyso 5,167, iyadoo aan la ogeyn sababta Farmaajo u qariyay inta kale. UN-ka ayaa sanadkii hore sheegay in Ciidamada lagu arkay magaaladda Axum ee gobolka Tigray, waxayna ka qeybgaleen dagaalka ka dhanka ah TPLF.

Lama hayo caddeymo muujinaya in askarta ka dagaalameen Tigray, waxaan mugdi badan uu ku jiraa kiiska dhalinyaradan oo 2019 iyo 2020 uu Fahad Yaasiin si qarsoodi ah uga qaadey dalka, islamarkaana heeyay Eritrea, oo ah dal uu ka jiro nidaamka kaligii-talis ah, oo ka go'doonsan dunida inteeda kale.

KEYDMEDIA English 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.