Waa kee Madaxweynaha Beesha Caalamka ku baaqdey in la doorto?

Codsiga Beesha Caalamka ee Xildhibaanada ayaa ah mid ka muuqata inay doonayaan hogaamiye gaar ah, oo ka duwan Farmaajo oo la shaqeyn waayay shantii sano ee uu Villa Somalia fadhiyay.

Warar Keydmedia Online
Waa kee Madaxweynaha Beesha Caalamka ku baaqdey in la doorto?

MUQDISHO, Soomaaliya - Xili berri ay dhacayso doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, saaxiibada caalamka waxay ugu baaqayaan dhammaan xubnaha Baarlamaanka inay gutaan mas’uuliyadda dastuuriga ah ee ka saaran maslaxadda dalka.

Waxay ugu baaqeen xildhibaanada inay raacaan damiirkooda, oo u codeeyaan Musharaxa ay aaminsan yihiin inuu leeyahay tayo hogaamineed ee lagu hormarin karo nabadda, xasiloonida, iyo dowladnimada Soomaaliya afarta sano, ee soo socda.

Codsiga Beesha Caalamka ee Xildhibaanada ayaa ah mid ka muuqata inay doonayaan hogaamiye gaar ah, oo ka duwan Farmaajo oo la shaqeyn waayay shantii sano ee uu Villa Somalia fadhiyay.

Xildhibaanada ayaa la rumeysan yahay inay codadkooda iibsadeen, oo ay siinayaan cidii lacag badan siisay, maadaama aysan ku shaqeynin wadaniyad iyo dal jacayl, taasoo meesha ka saareysa Soomaaliya inay yeelato dowlad caadil ah, oo umada u adeegta.

Qof walba oo xukunka yimaado, waxa uu ugu horeyn ku fekerayaan inuu akoono buuxsado, oo hanti ka tabco xoolaha umadda, waxaana taasi u fududeynaya isla-xisaabtan la'aanta jirta.

Musharixiin gaaraya 37 ayaa la filayaa inay u tartamaan hal kursi berri, waana tiradii ugu badnayd oo taariikhda isa-soo sharaxda, iyadoo ay jiraan musharixiin maqaar saar ah oo la wato.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.