Waa kuma horjoogaha Al-Shabaab ee geeriyooday?

Horjoogahaan ayaa Al-Shabaab ugu magacaawnaa madaxooda ugu sareeya ee Gobalka Banaadir, wuxuuna hore u soo noqday horjoogaaha qaybta marin habaabinta dhalinyarada isaga oo mas'uul ka ahaa maskax doorinta dhalinyaro badan sida Dowladdu sheegtay.

Warar Keydmedia Online
Waa kuma horjoogaha Al-Shabaab ee geeriyooday?

MUQDISHO, Soomaaliya – War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa lagu sheegay in uu geeriyooday Maxamed Xasan Cumar oo ka mid ahaa horjoogayaasha sar sare ee Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Horjoogahaan oo Kooxda dhexdeeda looga yaqaannay Abuu Caraxmaan ayaa Dowladdu sheegtay inuu bil ka hor ku dhaawacmay hawlgal ay Ciidamada ka fuliyeen xadka u dhaxeeya labada Shabeelle isla-markaana uu dhaawacaas dhawaan ugu geeriyooday Jilib.

"Al-Shabaab waxa ay dhaawiciisa geeyeen magaalada Jilibb ee Gobolka Jubbada Dhexe halkaas oo uu ugu geeryooday daryeel la'aan caafimaad maadaana dhaawaciisu uu halis ahaa”. Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Horjoogahaan ayaa Al-Shabaab ugu magacaawnaa madaxooda ugu sareeya ee Gobalka Banaadir, wuxuuna hore u soo noqday horjoogaaha qaybta marin habaabinta dhalinyarada isaga oo mas'uul ka ahaa maskax doorinta dhalinyaro badan sida Dowladdu sheegtay.

“Waa horjoogihii labaad ee heerkiisu sareeyo oo laga dilo Khawaarijta laba bilood gudahood, xilli ciidamada dowladda ay balanqaadeen inay sii wadaan ugaarsiga madaxda sare ee Al-Shabaab”. Ayaa lagu sii daray warka ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta.

Billowgii bishii hore ayay ahayd markii Dowladda Fedraalka iyo Dowladda Maraykanka ay shaaciyeen in degaanka Xaramka ee J/dhexe lagu dilay horjooge lagu magacaabi jiray C/llaahi Nadiir, kaasoo hore madaxiisa loo dul dhigay lacag dhan 3 Milyan oo Dollarka ah.

Sidoo kale dhamaadkii bishaas Dowladdu waxa ay sheegtay in ay dhisay horjoogyaal ay ku jiraan Cabdullaahi Cali Caraale iyo iyo Muscab Cabdalla Saney oo ka mid ahaa amiirrada Kooxda u qaabilsanaa holwgallada xooggan ee hadda ka socda Shabeellaha dhexe.

Mareykanka ayaa dhawaan dib ugu soo celiyay Soomaaliya boqolaal askari oo gaar ah kadib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh bishii May ee sanadkan, waxaana ay dib u billaabeen duqeymaha ay ka fulinayaan gudaha dalkaan ku yaalla geeska Afrika.

EYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.