Waa kuma musharraxa ugu cad-cad guusha kursiga HOP095?

Doorashada kursiga HOP095, oo ka dhaceysa Gaalkacyo ayaa la filayaa in ay noqoto mid xiiso leh, si la mid ah doorashadii HOP060, ee xalay looga adkaaday musharixii Madaxtooyada Soomaaliya wadatay ee Ubax Tahliil.

Warar Keydmedia Online
Waa kuma musharraxa ugu cad-cad guusha kursiga HOP095?

MUQDISHO, Soomaaliya – Kaliya lix kursi oo degaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug,  ayaa ka dhiman 37 kursi, oo labada gobol ku matala Golaha Shacabka, waxaana lixdaas kursi ka mid ah, kuwo si gaar ah indhaha loogu hayo.

Hadal heynta kursiga HOP095, ayaa  cirka isku shareertay, kadib guushii mucjisada ahayd ee Qaali Cali Shire, ka gaartay, kursigii ay Ubax Tahliil, isku sumadday ee HOP060, waxayna bulshadu, si isku mid ah u dalbanayaan in jidkaas la marsiiyo kursigaan.

Sida uu muujinayao guuxa shacabka, beelaha leh kursigan, waxa ay la doonayaan Musharrax Maxamed Siciid Yare, oo ka yimid bahda waxbarashada, kuna daaban, ganacsato degaanka ka soo jeedda oo Mudug iyo Muqdishaba ku sugan.

Baarlamaankii 10-aad, waxaa HOP095, ku fadhiyay Cabdikariin Khaliif Cabdi Dhalac, oo ka mid ahaa kabo-qaadyada Farmaajo, wuxuuna shanti sano ee la soo dhaafay, si buuxda ugu fashilmay, u adeegidda bulshada iyo ka shaqeynta danta dadka iyo degaanka leh kursiga.

Maxamed Siciid Yare, wuxuu afartii sano ee la soo dhaafay, ku howllanaa, ka shaqeynta arrimaha bulshada, sida nabadeyntii Gaalkacyo iyo gogoshii Goldogob, wuxuuna ka mid ahaa xubno bulshada ka tirsan oo si weyn ugu istaagay, dhismaha waddooyin muhiim ah.

Haddii doorashada kursiga la furo, waa xaqiiq, Dhalac iyo kooxda Villa Somalia, meesha ayay baxayaan, oo tartan rasmi ah ma gali karaan, xalay ayay fashilmeen, bulshadu waxa ay doonayaan Maxamed Siciid Yare, is baddel waa waajib. Ayuu yiri Mahdi Adan oo Mudug ku sugan.

Cabdikariin Dhalac, oo hore kursiga ugu fadhiyay, ayaa doonaya in Madaxweynha Galmudug, kursiga u xiro, waxaana gadaal ka taagan, agaasimihii hore ee NISA, eedeysane, Fahad Yaasin, kaasoo aan wax kalsooni ah ku qabin doorasho daah-furan.

Dhalac, wuxuu qeyb ka ahaa wafti, Fahad Yaasiin, u raacay Baladweyne, halkaasoo uu ku soo boobay kursi baarlamaan, taas oo ka dhigan in Cabdikariin Dhalac, uu ka mid yahay shaqsiyaadka Fahad ku taageersan dhibaatooyinkii uu degaanka iyo dadka gaarsiiyay.

Guuldarradii xalay soo gaartay Ubax Tahliil, waxa ay ka marqaati kaceysaa in lacagtu aysan sanadkaan, suuqa siyaasadda wax badan ka goyn, waana arrin walal xooggan ku abuurtay kooxda ku tashaneysa lacagta Qatar, kuraastii sida dhabta loogu tartamay, waa looga adkaaday F&F.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.