KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Waa diplomaasi mudo kasoo shaqeeyay Africa, isagoo soo noqdey safiirka Mareykanka ee dalalka Jabuuti iyo Mauritania.
WASHINGTON, US - Madaxweyne Joe Biden ayaa Larry André Jr usoo magacaabey inuu noqdo Safiirka cusub ee Mareykanka u fadhin doona magaaladda Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana uu bedelayaa Donald Yamamoto oo safaaradda ku taalla Xalane joogey 2018 illaa 2021.
Larry André Jr waa diplomaasi mudo kasoo shaqeeyay Africa, isagoo soo noqdey safiirka Mareykanka ee dalalka Jabuuti iyo Mauritania, waxaana lagu xushay qibradiisa arrimaha gobolka.
Magacaabistiisu waxay ahayd 19-kii April 2021, balse hadda ayuu Senate-ka ansixiyay, isagoo si rasmi ah ula wareegi doono shaqada xafiiska arrimaha diblomaasi ee dalka Soomaaliya.
André waxa uu ahaa diblamaasi ilaa 1990. Wuxuu kasoo shaqeeyay sagaal safaaradooda, oo Maraykanka ku leeyahay dalalka dibadda ah, inta badan Afrika ah. Waxa kale oo uu jagooyin siyaasadeed oo sare ka soo qabtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.
Mareykanka ayaa dib usoo celiyay xiriirka Soomaaliya xiligii dowladdii Xasan Sheekh, oo Obama Aqalka Cad joogey, waxaana uu kamid yahay dalalka fara ku-tiriska Safaaradaha ku leh hadda magaaladda Muqdisho.
Dowladda Mareykanka danaha ugu weyn ay Soomaaliya ka leedahay hadda waa la dagaalanka argagaxisadda, iyadoo ka joogaan Ciidamo, kuwaasoo ku leh meelo kala duwan, sida Shabeellaha Hoose, Jubbaland iyo Puntland saldhigyo ay ka duulaan diyaaradaha drones-ka duqeymaha ka fuliyay goobaha Al-Shabaab iyo Daacish ku sugan yihiin.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.