Waa kuma ninka Soomaaliga ah ee taariikhda ka dhigay Oregon?

Labo sano ka hor ayuu xisbiga Dimuquraaddiga ee dalka Mareykanka u magacaabay inuu ka mid noqdo aqalka senate-ka ee gobolka Oregon, iydaoo Talaadadii la soo dhaafayna ay dhacday doorashada uu ku hantiyay guusha taariikhiga ah.

Warar Keydmedia Online
Waa kuma ninka Soomaaliga ah ee taariikhda ka dhigay Oregon?

OREGON - Soomaalidii ugu badnayd ayaa xilal kala duwan loogu doortay doorashadii xilliga dhexe ee todobaadkan ka dhacday Maraykanka. Waxaa Soomaalidaas oo dhalinyaro u badan kamid ah Kayse Jaamac oo loo doortay xubin kamid ah golaha senate-ka ee gobolka Oregon.

Musharraxii la tartamayay ayaa waxa uu uga guulaystay aqlabiyad ku dhaw 60%. Kayse Jaamac waa qofkii ugu horeyay ee Muslim ah, Soomaali ah isla markaana soogalooti ah ee ka mid noqda Aqalka Senat-ka gobolka Oregon.

“Dareenkeygu waa mid aad iyo aad u sarreeya waa taariikh u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, sababtoo ah waxaan noqday qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ama qaxooti ah ama Soomaali ah ee soo gala senat-ka Oregon,” ayuu yiri Kayse Jaamac.

Haddaba sidee ugu suurta gashay gaaridda guushan?

Kayse oo ka mid ahaa dadkii dalka Soomaaliya ka qaxay markii dagaallada sokeeye dhaceen sanadkii 1991 ayaa gobolka uu hadda ka mid noqday Aqakiisa Senate-ka wuxuu joogay muddo 22 sano ah. Wuxuuna halkaa ka aas-aasay hay’ad uu madax ka ahaa oo u doodda xuquuqda aadanaha.

Wuxuu sheegay in muddadii uu hay’addaasi ka shaqeynayay ay u suurta gashay inuu dhex galo dadka gobolka oo wax badan uu fahmo.

Labo sano ka hor ayuu xisbiga Dimuquraaddiga ee dalka Mareykanka u magacaabay inuu ka mid noqdo aqalka senate-ka ee gobolka Oregon, iydaoo Talaadadii la soo dhaafayna ay dhacday doorashada uu ku hantiyay guusha taariikhiga ah.

Gobolka Oregon oo ah gobol ay ku yar yihiin dadka soo galootiga ayuu Kayse sheegay in ay ku garab istaageen dadka Soomaalida ah ee gobolkaasi ku dhaqan iyo kuwa gobollada kaleba. Wuxuu intaa ku daray in maadaama uu yahay qof u diyaarsan la macaamilka bulshada uu matalayo ay dadku siiyeen codkooda.

Waxyaabaha kale ee Kayse aaminsanyahay in guushiisa ay sahleen ayaa waxaa ka mid ah aragtiyada xisbigiisa dimuquraaddiga ah iyo habka ay ula xiriireen dadweynaha codka dhiibanayay oo uu ku tilmaamay kuwo aan mugdi ku jirin.

"Ninkii ila tartamayay wuxuu ka tirsanaa xisbiga Jamhuuriga, anigana waxaan ka socday xisbiag Dimuquraaddiga, marka waxa aan ku kala adkaannay waa aragtiyada iyo waxa aan dadka u qabaneyno," ayuu yiri Kayse Jaamac oo BBC-da u warramayay.

Maxay Soo galootiga uga dhigantahay guusha Kayse?

Kayse Jaamac ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in marka guusha la gaaro ay tahay in aan albaabbada laga xiran dadkii ku soo doortay iyo guud ahaan dadka aad matasho.

Sidoo kale waxaa uu muujiyay in uu rabo inuu tusaale wanaagsan u noqdo Soomaalida ku hammineysa siyaasadda dalalka ay qaxootiga ku yihiin iyo guuda haan Muslimiinta.

Kayse ayaa qaba in iskaashiga iyo wadajirku uu keeni karo in dadka Muslimiinta ah oo Soomaalidu ka mid tahay ee gobolka Oregon ay talada wax ku yeeshaan kana mid noqdaan hoggaamiyeyaasha.

Labadii sao ee uu xisbiga Dimuquraadiga ugu magacownaa aqalka sare, Kayse wuxuu guddoomiye ka ahaa guddiga dhanka guriyeynta u qaabilsan gobolka Oregon. Sidoo kale wuxuu xubin ka yahay guddiga shaqaalaynta iyo ganacsiga.

Isha BBC

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.