Waa maxay dalabka Imaaraadku u gudbiy MW Xasan?

Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa kala hadashay Madaxweyne Xassan Sheekh in safiirka Soomaaliya u fadhin doona Imaaraatka Carabta, laga dhigo RW Rooble.

Warar Keydmedia Online
Waa maxay dalabka Imaaraadku u gudbiy MW Xasan?

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho, Danjire Maxamed Axmed Al-Othman, kaas oo farriin iyo casuumaad rasmi ah, ka siday Madaxweynaha dalkaas, Sheikh Maxamed Bin Zayid, oo dhawaan xilkaas la wareegay, kadib geeridii Sheikh Khalifa.

Sida ay caddeynayaan ilo loo qaateen ah, Safiirka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh, u geeyay farriin ka socotay Madaxweynaha Imaaraadka, taasoo ah in Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, laga dhigo, danjiraha Soomaaliya u soo magacaabeyso inuu fariisto Dubai.

Imaaraadku waxa ay sheegeen in RW Rooble, masuul ka ahaa, dib u soo nooleynta xiriirka Diblumaasiyadeed ee labada dal, kadib shan sano oo Farmaajo si ula kac ah u xumeynayay cilaaqaadka labada waddan, sidaas awged uu muhiim u yahay sii amba qaadidda xoojinta xiriirka.

Sida xoguhu sheegayaan Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa farriintaan la gaarsiiyay ka hor inta aysan gaarin Madaxweynaha, waxaana la rumeysan yahay inuu aqbalay, inkastoo ay hore u soo baxayeen warar kale oo sheegaya inuu doonayay inuu noqdo safiirka Soomaaliya ee Nairobi.

Rooble, wuxuu dadaal xooggan ku bixiyay in la fasaxo lacag 10 milyan oo doolar ku dhow, taas oo Imaaraadka laga qabtay 2018, isla-markaana bar-billow u ahayd xilaafka labada dhinac, kaasoo hadda u muuqda mid meesha ka baxay.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu casuumaad ka helay Imaaraadka, halkaasoo uu u socdaali doono, dhamaadka July ama billowga Agoosto ee sanadkaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.