Waa maxay qorshaha Qoorqoor u joogo Baydhabo?

Xildhibaan Fiqi, oo dhawaan si weyn u dhaliilay waftiga uu Qoorqoor hoggaaminayo ee gobolka Bay ku sugan, ayaa mar kale ku celiyay in inta badan xubnaha Muqdisho iyo Dhuusamareeb ka baxay ay daacad u yihiin Fahad Yaasiin.

Warar Keydmedia Online
Waa maxay qorshaha Qoorqoor u joogo Baydhabo?

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirkii hore ee amniga Galmudug , Axmed Macalin Fiqi, ayaa mar kale ku celiyay in Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor] uusan magaalada Baydhabo u aadin xal raadin ee uu tagay lug-gooyo hor leh oo Fahad Yaasiin iyo Farmaajo gadaal ka taagan yihiin.

Xildhibaan Fiqi, oo boqollaal qof kula hadlayay aalladda Twitter Space-ka, ayaa sheegay in Qoorqoor Baydhabo u joogo, sidii uu Laftagareen uga dhaadhici lahaa adkeynta xujooyinka doorashada, isla-markaana uu ugu boorrin lahaa in uusan aqbalin wax xal ah, inta Guddiga FEIT, fasaxayaan Fahad Yaasiin.

Taliyihii hore ee Nabad-sugidda gobolka Banaadir, Fiqi, wuxuu sheegay in Qoorqoor, Muqdisho, imaan doono , si uu kulammo ula qaato qaar ka mid ah wakiillada Beesha Caalamka ee caasimadda ku sugan, si uu ula wadaago, farriimo uu Fahad Yaasiin ka soo qaaday oo ka dhan ah RW Rooble.

“Qoorqoor, wax kale Baydhabo uma tagin, wuxuu u tagay inuu kursiga Fahad Yaasiin, sii adkeeyo oo uu yiraahdo meeshas ku sii adkeysta, isla-markaana uu James Swan iyo ajaanibta kale u sheego inuu Rooble qaldan yahay, Farmaajo, Fahad iyo Laftagareenna saxan yihii”. Ayuu yiri Axmed Fiqi.

Wuxuu ku eedeeyay Qoorqoor inuu safarro maalaayacni uu ku tilmaamay uga baxyo degaanna Galmudug, xilli Kooxda Al-Shabaab, culeyskii ugu xooggana saareen dad shacabka ee uu madaxda u yahay, wuxuuna xusay in uusan dan dal ku maqneyn ee danta Fahad Yaasiin u aaday Baydhabo.

Fiqi, wuxuu carabbaabay in Galmudug u baahan tahay badbaado rasmi ah, wuxuuna tilmaamay, in Kooxda Farmaajo iyo dadka daacadda u ah ee Qoorqoor ka mid yahay, ay ka mideysan yihiin mabda’ ah in ay dalka ku wareejiyaan kooxda xiriirka la leh Alqaacida ee Al-Shabaab.

Wuxuu si weyn uga digay qorshaha Qoorqoor u joogo Koofur galbeed, wuxuuna ku baaqay in dadka reer Galmudug u kacaan sidii ay uga hor tagi lahaayeen in degaannada maamulkaas, gacanta loo galiyo Al-Shabaab, maadaama uu Qoorqoor fashilmay, kuna lug darsan doono kooxda kasii huleeleysa Villa Somalia.  

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.