Waa maxay sirta Fahad Yaasiin ka qarinayo Mahad Salaad?

Farriinta uu Fahad u diray saaxiibadiis wali haya xilalka NISA ee qeybta kala ahaa gabood-fallada siyaasadeed, waxa ay dadka siyaasadda u dhuunduleela ku macneeyeen, in ay ka fiirsi la’aan uga fakatay.

Warar Keydmedia Online
Waa maxay sirta Fahad Yaasiin ka qarinayo Mahad Salaad?

MUQDISHO, Soomaaliya – Wariye Faarax Cabdulqaadir Geylan oo ka mid ah saxafiyiinta shantii sano ee la soo dhaafay sida weyn ugu tiirsanaa Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa maanta baahiyay hordhaca wareysi uu ka qaaday, Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo hadda ku sugan Turkiga.

Wareysigaan ayaa ka dhigan midkii ugu horreeyay ee laga qaado Fahad, tan iyo markii uu galay siyaasadda, gaar ahaan shantii sano ee la soo dhaafay, xilligaasoo uu soo qabatay xilal kala duwan, sida agaasimaha Madaxtooyada, Agaasime ku xigeenka NISA, Agaasimaha guud ee NISA iyo La-taliyaha Amniga Qaranka, isagoo xilalkas ku galay jarriimooyin siyaasadeed.

Sida ka muuqata daqiiqadaha kooban ee wareysiga hordhaca u ah, Fahad wuxuu diray dhowr farriimood, oo midda 1-aad tahay in ay xukunka dalka qabsadeen koox soo duushay, isla-markaana ay hoggaankii dowladda bannaan joog yihiin, maadaama uu wareysigiisa ku sheegay in saraakiisha heysa siraha qaranka aysan la wadaagin agaasimaha sirdoonka.

Haddaba maxay yihiin siraha uu Fahad Yaasiin dalbanayo in aan lala wadaagin Mahad Maxamed Salaad oo hadda ah Agaasimaha guud ee hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA?. Keydmedia Online, waxa ay 11-kaan qodob u aragtaa waxa uu Fahad u yaqaan siraha in la qariyo u baahan.

  1. Dilkii AUN Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow)
  2. Dilkii AUN Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi
  3. Dilkii AUN Jeneraal Maxamed Nuur Galaal
  4. Kiiska Ikraan Tahliil Faarax – Sarkaalad maqane ah
  5. Dhiibistii Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax
  6. Isku-milanka NISA iyo Kooxda Al-Shabaab
  7. Xiriirka NISA ee Sirdoonka Qatar, Itoobiya iyo Eritrea
  8. Heshiiskii saddex geesoodka, Somalia, Itoobiya iyo Eritrea
  9. Dhallinyarada laga dagaal galiyay waqooyiga Itoobiya
  10. Dekedaha loo saxiixay Itoobiya
  11. Dhaqaalihii aan miisaaniyadda ku jirin ee loo isticmaalayay siyaasadda

Kow iyo tobakaan qodob ayaa ah kuwa warbixnnada ugu badan laga qoray shantii sano ee la soo dhaafay, waxaana jira kuwo isku xiran sida kiisaska khaarijinta oo uu ugu horreeyay Allaha u naxariistee Eng. Yariisow kaasoo xarunta dowladda hoose lagu qarxiyay July 24, 2019, kuna geeriyooday dalka Qatar oo dhaawiciisa loo qaaday.

Farriinta uu Fahad u diray saaxiibadiis wali haya xilalka NISA ee qeybta kala ahaa gabood-fallada siyaasadeed, waxa ay dadka siyaasadda u dhuunduleela ku macneeyeen, in ay ka fiirsi la’aan uga fakatay, maadaama uu waddada u sii xaaray agaasimaha cusub Mahad Salaad oo horraabna sifeyn xooggan ka billaabay gudaha hay’adda.

Fahad oo ka dhuuman jiray kaamirada inuu wax ka yar 30 cisho markii kooxdiisa doorashada looga adkaaday uu bixiyo waraysigiisii ugu horreyay, waxa ay muujineysaa, inuu u diyaar garoobayo dhagax-tuur siyaasadeed afarta sano ee soo socota, isla-markaana uu xilligaas dibad-joog ka ahaan doono dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.