Waa maxay U-jeedka maanta loo xiray jidadka Muqdisho?

Sida ay KON hore ugu sheegeen saraakiil ciidan, askartaan ayaa intooda badan loo adeegsan doonaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Koofurta dalka, waxaana la qorsheeyay in ay durba isku furaan magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Warar Keydmedia Online
Waa maxay U-jeedka maanta loo xiray jidadka Muqdisho?

MUQDISHO, Soomaaliya – Shacabka Caasimadda ayaa saaka ku soo waabariistay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho oo xiran, lana soo tubay ciidanka koofiya-casta loo yaqaan ee sida gaarka ah u ilaaliya Madaxtooyada Soomaaliya.

Waddooyinka qaar ayaan la oggoleyn in xitaa shacabku lug ku maro waxaa la arkayaa gaadiid dagaal oo meel kasta taagan, taasoo ka dhigan in 10-kii maalmood ee la soo dhaafay shacabka caasimaddu si weyn ugu dhibaatooday waddoonka magaalada ee xiran.

Sida ay ogaatay Keydmedia Online Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maanta khudbad u jeedin doona ciidankii dhawaan laga keenay dalka Eritrea, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay la soo daad-gureeyay kuna jira mid ka mid ah xeryada ciidan ee Muqdisho.

Sida ay KON hore ugu sheegeen saraakiil ciidan, askartaan ayaa intooda badan loo adeegsan doonaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Koofurta dalka, waxaana la qorsheeyay in ay durba isku furaan magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Ciidankaan oo la sheegay in ay tiro ahaan ka badan yihiin 5000 oo askari ayaa noqonaya ciidankii ugu badnaa ee Soomaali ah ee hal mar ku biiraya dagaalka ka dhanka ah faraca Al-Qaacida ee bariga Afrika kuwaas oo jab xooggan la kulmay bilihii la soo dhaafay.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu shalay sheegay in sanadkan cusub ee 2023-ka uu noqon doono sanadka xoreynta dalka, taasoo ka dhigan in ciidamadaan tababarka muddada dheer ah ku soo qaatay Eritrea ay durba billaabi doonaan howlgalladooda xoreynta.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.