Waa maxay xilka cusub ee loo magacaabayo Sheekh Shariif?

Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya Sheekh Shariif, ayaa la sheegayaa in loo magacaabi doono xil ku meel gaar ah oo uu si mutadawacnimo ah ugu adeegi doono dalka.

Warar Keydmedia Online
Waa maxay xilka cusub ee loo magacaabayo Sheekh Shariif?

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa la warinayaa inuu aqbalay, in loo magacaabo, Ergayga gaarka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u qaabilsan Arrimaha Dib-u-heshiisiinta Qaran iyo wada hadalka Soomaaliya iyo Maamulka gooni u goosadka ah ee Soomaaliland.

Shaqsiyaad aad ugu dhow, hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran, Sheekh Shariif, oo Keydmedia Online, la xariirtay, ayaa ka gaabsaday in ay xaqiijiyaan jiritaanka arrinkaan, hayeeshee, ilo loo qaateen ah, ayaa warinaya in Madaxweynihii hore aqbalay inuu qaato masuuliyadda xilkaas, waliba si mutadawacnimo ah.

Shariif, wuxuu soo noqday Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya, hadda waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka, wuxuu ka mid ahaa shantii musharrax ee ugu codadka badnaa doorashadii Madaxweynaha ee dhacday 15-kii May 2022, wuxuuna hoggaan u yahay mid ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee ugu miisaanka culus dalka.

Shalay ayay ahayd, markii Ergayga gaarka ah Arrimaha Abaaraha iyo Bini-aadannimada Soomaaliya, loo magacaabay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadjir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ay siyaasad ahaan iska aragti dhowyihiin, Madaxweynaha 10-aad ee JFS, Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo hadda u muuqda inuu qaatay door wada shaqeyn ah.

Dhanka kale, sida xoguhu tilmaamayaan, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, ayaa dhankiisa heli doona xil la ceyn ah, kuwa ay qaateen Shariif iyo Cabdiraxmaan, waxaase macquul ah inuu magacaabiddiisu ka gaddisnaato, maadaama uusan isagu ahayn Xildhibaan, oo xil buuxa uu qaban karo.

Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxa ay ahaayeen xubnihii ugu cuslaa ee ku jiray mucaaradka Farmaajo, gaar ahaa Golaha Midowga Musharrixiinta, waxaana la saadaalinayaa in ay ugu yaraan labada sano ee soo aaddan wada shaqeyn doonaan.

KEYDMEDIA ONLINE  

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.