Waa sidee Xaaladda Beledweyne?

Dadka shacabka waxay ku joogaan deraan cabsi leh, maadaama Ciidankii uu dhawaan Farmaajo Beledweyne geeyay ay abuureen xiisad colaadeed.

Warar Keydmedia Online
Waa sidee Xaaladda Beledweyne?

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Xaaladda Beledweyne ayaan cago-badan ku taagnayn labadii maalin ee ugu dambeeyay, kadib markii MD hore Farmaajo uu geeyay Ciidamo aad u badan.

Magaaladda waxaa 4ta dhinac la degay Ciidan iska soo horjeeda, waxaana jirta Xiisad saacad walba dagaal isku bedeli karta, sida ay qaar kamid ah dadka degaanka u sheegeen KON.

Dadka shacabka waxay ku joogaan deraan cabsi leh, maadaama Ciidankii uu dhawaan Farmaajo Beledweyne geeyay ay abuureen xiisad colaadeed.

Illaa saddex diyaarad oo Ciidan wada, oo laga keenay Muqdisho ayaa ka degay magaaladda Beledweyne, waxaana Maamulka HirShabeelle uu sheegeen inay iyagu dalbadeen askarta.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Hiiraan, ayaa aad u cambaareeyay tallaabadan, oo ay ku micneeyeen isku-day Farmaajo ku doonayo inuu ku boobo 25 kursi oo yaalla Beledweyne.

Khamiistii Xukuumadda Rooble ayaa amartay in Ciidanka laga soo saaro Beledweyne, dibna loou celiyo xeryahooda. Laakiin, taliyaha Ciidanka Jen Odowaa ayaa amarkan ka biyo diidan.

Odowaa oo daacad u ah Farmaajo ayaa xusay inaysan militeriga ka amar-qaadan Wasiiradda Amniga iyo Arrimaha Gudaha, islamarkaana dhaq-dhaqaaqa Ciidanka aan lagala tashanynin.

Waxaa muuqata in afarta Ciidan uu dalka leeyahay - Militeriga, Booliska, NISA iyo Asluubta ay weli hoos-tagaan Madaxweynaha mudo-xileedkiisa dhamaadey, oo xukunka weli iska haysta.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.