Waare oo tooshka ku ifiyay cida ka dambeysa colaadda Hiiraan

Gobolka Hiiraan ayaa foolanaya dagaal sokeeye, iyadoo madaxa la isku geliyay beelo horey u heshiiyay oo wada dega duleedka Beledweyne.

Warar Keydmedia Online
Waare oo tooshka ku ifiyay cida ka dambeysa colaadda Hiiraan

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa ka hadlay dagaal kasoo cuboonaadey gobolka Hiiraan, ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Waare ayaa sheegay in colaadda gobolka ay tahay mid lasoo abaabulay, oo ay ka dambeeyaan shaqsiyaad dano siyaasadeed leh, maadaama dalka uu xili doorasho ku jiro

Wuxuu ka digay in dib loo soo nooleeyo cadwaadii la xaliyay ee beelaha Xawaadle iyo Surre, oo mudo dhowr sano ah ku dagaalamayay degaanka Xeefow, ee duleedka Beledweyne.

"Waxaan maqlay in duleedka Beledweyne lagu dilay dhowr qof oo beeralay ahaa. Arintaas waxay soo nooleynaysaa colaaddii la demiyay ee beelaha Xawaadle iyo Surre," ayuu yiri Waare.

Waare ayaa ugu baaqey Beesha dadka laga dilay ee Xawaadle inaysan ku dhicin dabinka loo dhigay, oo ay muujiso dulqaad iyo sabir, islamarkaana aysan sameynin wax aargoosi ah, si looga hortago inuu dhaco dagaal.

Hadalka Waare ayaa imaanaya xili maalmo kahor Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka oo lagu magacaabo C/risaaq Maxamed Jindi uu ku eedeeyay Farmaajo inuu ka hurinayo gobolka Hiiraan colaad sokeeye, kadib markii uu Ciidan isaga taabacsan la wareegeen Beledweyne todobaadkii tagey.

Gobolka Hiiraan ayaa ka jirta xiisad iyo kacdoon ka dhan ah Cali Guudlaawe, oo doorashadiisa ay ahayd mid Villa Somalia ku jebisay xeerkii awood-qeybsiga ee lagu dhisay HirShabeelle.

Reer Hiiraan waxay diideen inuu Guudlaawe tago Beledweyne, waxayna sidoo kale kasoo horjeedaan doorasho in lagu qabto magaaladda, iyadoo aan la sixin tabashooyinka beelaha.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.