Wafdi ka socda IGAD oo Muqdisho lagula shiray

Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD ayaa yimid magaalada Muqdisho waxaana lagu soo dhaweeyay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, halkaas oo ay kula shireen mas'uuliyiin ka tirsa xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya

Warar Keydmedia Online
Wafdi ka socda IGAD oo Muqdisho lagula shiray

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa Maanta la kulmay guddiga xaqiiqo raadinta ee ka socda Urur Goboleedka IGAD, kaas oo dalka u yimid xal u helidda xaaladda ka taagan xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Xubnaha Gudiga oo ka kooban Safiirada Jabuuti ee Soomaaliya iyo Kenya Aadan Xasan Aadan iyo Yasiin Cilmi Buux iyo afar Sarkaal oo katirsan Ciidamada Jabuuti, ayaa dhawaan booqday Xuduuda labada dal, iyagoo usoo kuurgalay eedeynta DF ee ku aadan in Kenya ay Mandheera ku hubeynayso Malleeshiyaad Soomaali ah oo loo diyaariyay inay weeraraan Beled-Xaawo.

IGAD ayaa sameeyay gudiga kadib shirkii 20-kii December ay madaxda Ururka ku yeesheen Jabuuti, kaasoo Farmaajo uu u gudbiyay gudoomiyaha Cabdalla Hamdow dacwad ka dhan ah Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga dacwootay IGAD in Kenya ay fara-gelin qaawan ku hayso arrimaha gudaha dalka, waxaana wadahadalladii Jabuuti ka dhacay December la isla gartay in kiiska labada dal si hoose loo xalliyo.

Weli wax warbixina lagama soo saarin kulanka oo ka qabsoomay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Laakiin waxaa la filayaa in gudiga marka uu ku laabto Jabuuti inuu soo saaro war-saxaafadeed ku saabsan waxyaabaha kasoo baxay baaritaankiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.