Wafdi ka socda Soomaaliya oo gaarey Hague

Kenya ayaa sheegtay maalin kahor inaysan aqoonsan doonin go'aanka Maxkamadda oo la filayo inay ku dhawaaqdo 12-ka October.

Warar Keydmedia Online
Wafdi ka socda Soomaaliya oo gaarey Hague

HAGUE - Wafi uu horkacayo ku xigeenka Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa Maanta gaarey magaaladda Hague ee dalka Holland, labo maalin kahor go'aanka ICJ.

"Waxaan aniga iyo wefdi aan hoggaaminayaa soo gaarnay magaalada Hague, si aaan goobjoog uga noqonno go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya," ayuu yiri Guuleed.

Maxkamadda ayaa lagu wadaa inay go'aanka kama dambeys ah ka gaarto cida leh badda lagu muransan yahay, ee gaareysa 100,000-KM oo isku wareeg ah, taasoo shidaal uu ku jiro.

Kenya ayaa sheegtay inaysan aqoonsan doonin xukunka Maxkamadda, iyadoo ku doodaysa inaysan awood u lahayd inay gaarto go'aan kiiskan oo Dowladdii Xasan Sheekh u gudbisay 2014 ICJ markii wadahadal la isku afgaran waayay labada dowladood.

Muranka wuxuu ka taagan yahay sida loo cabirayo badda. Soomaaliya waxay dalbatay in xuduuda dhulka lala simo halka Kenya ay doonayso in xagal 45 loo dhigo, oo xuduuda bada lagu cabiro.

Go'aanka ICJ racfaan lagama qaadan karo, waa kama dambeys, balse dhibaatada jirta ayaa ah in aysan jirin hay'ad awood leh oo fulisa. Lama oga sida Kenya looga qaadi doono badda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.